Kediska Bisha barakeysan ee Ramadaan ee Idaacada SBC International ay u qabato xaafadaha Deegaanada Puntland ayaa galay wareegii labaad ee ay isugu soo harayaan 12 Xaafadood halka 12kalena ay hareen.

Wareegan ayaa waxaa u soo baxay 12 Xaafadood inkastoo ay markii hore noqdeen 13 oo sedax ka mid ahi ay isku dhibco ahaayeen, balse si loo kala reebo waxaa caawa loo qabtay Tartan ay sadaxduba mar ka wada qeyb galayeen .

Tartankan ayaa xiiso badan lahaa waxaana ay sedaxda xaafad ee la tartansiiyay ay kala ahaayeen Xaafada 1da Luulyo Boosaaso Vs Xaafatul Carab Boosaaso Vs Hantiwadaag Garoowe,

Waxaa loo qeybiyay min 15 Su’aal iyadoo xaafadiiba ay laheyd 5 su’aal, waxaana uu tartankoodu ku soo dhamaaday Xaafada Hantiwadaag Garoowe oo shanteedii su’aalba ka wada jawaabtay iyo labada xaafadood ee kale oo bar bar dhac noqday, waxaana sidaasi ku gudubtay xaafada Hanti wadaag iyadoo 11 ku noqotay xaafadaha soo baxay

Markale ayaa waxaa la bilaabay Tartan kale oo loo qabtay labada xaafadood ee 1da luulyo Boosaaso iyo Xaafatul carab boosaaso , iyadoo lakala siiyay min Hal Su’aal, waxaana Gabagabadii ku Adkaatay Xaafada 1da Luulyo Boosaaso oo iyada iyo Hanti wadaag ay u soo bexeen 12ka Xaafadood ee wareega Labaad.

Sidoo kale waxaa isla caawa lagu qabtay Xarunta Idaacada SBC International Xaflad ay isku dooranayeen xaafadaha soo baxay, waxaana 12 wakiil oo ka kala socda xaafadahaasi ay qabsadeen qorituur loo sameeyay.

Qori tuurka 12ka xaafadood waxaa ka soo baxday in ay sidan isugu aad aadaan Xaafadaha Wareega labaad isku arkaya.

Wadajir Vs Xingood
Hodan Vs 01 luulyo
New dhahar Vs Waaberi
Hantiwadaag Vs Biyo kulule
L. hawada Vs Xorgoble
Raf iyo RaxoVs Qoryacad 1

Habeen dambe oo uu bilaabandoono Tartanka wareega labaad ee xaafadaha 12ka ah ayaa waxaa ku kulmaya qeybta 1aad, xaafadaha kala ah Wadajir Garoowe Vs Xingood Qardho, halka qeybta labaad ay kulmi doonaan Hodan Garoowe Vs 1da Luulyo.

Waxaa Xusid iyo Xusuusinba mudan in Barnaamijkan Tartan Aqooneedka ah ee ay SBC International Sanad walba Bisha Ramadaan u Qabato Xaafadaha Deegaanada Puntland ay si joogto ah Maalgelin ugu sameyso Shirkada Isgaarsiinta Geyigeena ee Golis Telecom Soomaalia, Golis Waa Wehelka Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC, Golis Hanoolaato!.

      Khaalid Cayuuni
     SBC International
khaalidcayuuni@gmail.com