Caawa Tartanka Kediska Ramadaanka SBC waxaa ku kulmay 4ta xaafadood ee ka haray 24tii xaafad ee ka soo qeyb galay tartanka Kediska Ramadaanka SBC.
4taasi xaafadood oo iyagu u soo baxay wareega Samifinal-ka ayaa waxaa caawa ka soo baxay laba xaafadood oo iyagu iminka taagan Final-ka Tartanka .
Xaafadaha Kulmay ayaa kala ahaa qeybtii hore Laanta Hawada Boosaaso Vs Laanbarwaaqo Ufeyn, waxaana tartankaasi uu ku soo dhamaaday guushiina ay raacday Wareega Final-kana u soo baxda Xaafada Laanta Hawada Boosaaso.
Waxaa xigay Daqiiqado ka dib Dhamaadka tartankaasi Tartanka dhexmaray Xaafadaha isku magaalada ah ee Xorgoble Qardho Vs Qoryacad Qardho.
Tartankaasi oo aad u xiiso badnaa islamarkaana lawada dhowrayay natiijadiisa ayaa waxaa uu ugu dambeyntii ku soo gaba gaboobay Final-kana u soo baxay Xaafada Xorgoble Qardho,
Labada Xaafadood ee ka kala dhisan Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ayaa Finale Iminka Taagan Waxaana la dhowrayaa oo la wada sugi doonaa halak uu ku dambeeyo Koobka Kediska Ramadaanka SBC, iyadoo ay xusid mudantahay in Xaafada Qardho ee Xorgoble ay Difaacaneyso Koobka Maadaama ay Sanadkii hore qaaday.
Laanta Hawada Boosaso Vs Xorgoble Qardho, (Finale Kedis)
Habeen Dambe Waxaa wada tartami doona oo kaalinta 3aad ku tartamaya Xaafadaha Caawa ka haray ee kakala dhisan Qardho iyo Ufeyn Waa Laanbarwaaqo Ufeyn Vs Qoryacad Qardho.
K m Cayuuni
SBC International