Caawa Kediska Ramadaanka SBC waxa uu guda galay wareegii loogu soo baxayay Semifinal-ka 4ta xaafadood ka dib markii ay habeenimadii xalay kala qabsadeen qurituurkii 6da xaafad ee soo baxay, ee kala ahaa
Xaafada Golis, Baran
Xaafada Laanta hawada, Boosaaso
Xaafada Laanbarwaaqo, Uffeyn
Xaafada Qoryacad ,Qardho
Xaafada Xorgoble, Qardho
Xaafada Xingood, Qardho ..

Xaafadaha 6da ah ayaa waxaa ay u kala qabsadeen qurituurka sidan Xaafada Xingood, Qardho Waxay ku dhacday Xaafada Laanbarwaaqo, Uffeyn,
Xaafada  Xorgoble, Qardh waxay ku dhacday Xaafada Golis, Baran, halka xaafadaha Laanta Hawada Boosaaso iyo Qoryacad Qardhona ay is arki doonaan.

Hadaba Caawa Waxa kulmay 4 xaafadood oo ka tirsan 6dan xaafadood ee soo baxay waxaana ka mid ahaa kulanka Xaafada Xingood Qardho Vs Laanbarwaaqo Uffeyn, Waxaanu kulankaasi ku soo gaba gaboobay oo guushiina ay raacday Xaafada Laanbarwaaqo Ufeyn oo la timid Dhibco dhan 14 halka xaafada kale ee xingood qardho ay la timid 13.

Qeybta labaad ayaa  waxaa iyana fooda isdaray labada xaafadood ee kale waa  Xorgoble Qardho Vs Golis Baran, Waxaana kulankaasi oo xiiso badan lahaa uu ku soo dhamaaday guushiina ay ku raacday xaafada Xorgobole Qardho oo la timid dhibco dhan 15 halka Xaafada Golis Baran ay la timid 9 DHibic.

Habeen dambe waxa ajira hal tartan oo qura kaasi oo dhexmari doona xaafadaha ka mid ka ah wareegan 6da xaafadood waa Xaafada Laanta Hawada Boosaaso Vs Qoryacad Qardho.