Xaafadaha Laanbarwaaqo Ufeyn iyo Qoryacad Qardho oo u soo baxay wareega 6da

Caawa tartanka Kediska Ramadaanka SBC waxa uu galay Habeenkii labaad ee is araga 12ka xaafadood ee u soo baxay Tartanka.

Waxa kulmay 4 xaafadood oo ka tirsan 12ka xaafadood ee soo baxay waxaana ay kala ahaayeen Xaafada Qoryacad Qardho Vs Iftin Baran, Waxaanu kulankaasi ku soo gaba gaboobay oo guushiina ay raacday Xaafada Xaafada Qoryacad Qardho oo la timid Dhibco dhan 15 halka xaafada kale ee Baran ay la timid 11.

Qeybta labaad ayaa  waxaa iyana fooda isdaray Xaafadaha Laanbarwaaqo Ufeyn Vs Rixiis Boosaaso, Waxaana kulankaasi oo xiiso badan lahaa uu ku soo dhamaaday guushiina ay ku raacday xaafada Laanbarwaaqo Ufeyn oo la timid dhibco dhan 16 halka Xaafada Boosaaso ay la timid 9 DHibic.

Habeen dambe waa habeenka sedaxaad ee is ar araga xaafadaha 12-ka ah, waxaana dhici doona tartamo xiiso badan oo ay ka mid yihiin xaafadaha  Xorgoble Qardho Vs Goljano Waaciye, waa qeynta hore halka qeybta dambena ay kulmi doonaan Xaafadaha Kaambo Qardho Vs Golis Baran.

Daalacatey :730

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print