Waxa iminka soo gaba gaboobay Barnaamijka Kediska Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee ay SBC international ku tar tansiiso xaafadaha Deegaanada Puntland.

Caawa waxaa qeybtii hore Fooda isku daray xaafadaha kala ah Indhacad Boosaaso oo horay loo oranjiray Dayaxa iyo xaafada Cakaara oo ka mid ah xaafadaha ku yaala Degmada Xingalool

Waxaa dhexmaray labadaasi xaafadood tartan aqooneed aad u xiisobadan, waxaana ay ugu dambeyntii ku soo dhamaatay oo ayna guushu raacday xaafada Cakaara  iyadoo la timi dhibco dhan 14 halka xaafada Indhacad ay la timo 8 dhibic

Waxaa sidoo kale caawa wada tar tarmay labada xaafadood ee kale, oo kala ahaa xaafada Biyo Kulule oo ku taala Magaalada Boosaaso iyo Xaafada Israac oo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo,.

Labadaasi xaafadood ayaa soo bandhigay tartan xiiso badan, waxaana ugu dambeyntii tartankooda labadaasi xaafadood uu ku soo dhamaatay guushiina ay ku raacday xaafada Biyo Kulule iyadoo la timi dhibco dhan 19 halka ay Israac Gaalkacyo la timi 6 Dhibic.

       Khaalid Cayuuni
     SBC International
khaalidcayuuni@gmail.com