Saaka waxaa dhacay qori tuurka xaafadaha u soo haray wareega 6da ee Kediska Ramadaanka SBC International .

Waxaa xaflad lagu qabtay xarunta Idaacada SBC International saaka ka soo qeyb galay 6da xaafadood ee soo baxay, Gudiga Garsoorka Kediska SBC, Maamulka Idaacada iyo Tv-ga SBC International, taas oo si toos ah loogu qori tuuray xaafadahani.

Ka dib hadalo ay halkaasi ka soo kala jeediyeen Maamulka SBC iyo gudiga Tartanka waxaa laguda galay in xaafad walba ay la baxdo warqad ka mid ah warqado duuduuban oo ay ku qoranyihiin No 1 ilaa 6,

Waxaa soo istaagayay gudoomiyaha ama wakiilka ka socda xaafada isagoona qabanayay warqadahaasi duuduuban mid ka mid ah, waxaana ay u kala qabsadeen xaafadaasi sidatan. Iyadoona xaafadba lambarka ay qabsato uu ku aadayay lambarka kale ee ku xiga Eg: Lambar 1 waxa uu ku dhacayaa lambar 2.

No 1 waxaa qabsatay Xaafada Biyo kulule Boosaaso
No 2 waxaa qabsatay Xaafada Xingood Qardho
No 3 Waxaa qabsatay Xaafada Xorgoble Qardho
No 4 Waxaa qabsatay Xaafada Hodan Garoowe
No 5 Waxaa qabsatay Xaafada Qoryacad Qardho
No 6 Waxaa qabsatay Xaafada Waaberi Garoowe

Waxaana ay isu Arkidoonaan xaafadahan sidan

Xaafada Biyo Kulule Boosaaso Vs Xingood Qardho
Xaafada Xorgobole Qardho Vs Hodan Garoowe
Xaafada Qoryacad Qardho Vs Waaberi Garoowe

Hadaba Caawa oo uu ugu horeeyo Tartanka 6dani Xaafadood ayaa waxaa is arki doona Afarta Xaafadood ee ugu horeysa waa Xaafadaha, Biyo Kulule Boosaaso Vs Xingood Qardho waaqeybta hore Halka qeybta labaad ay kulmidoonaan Xaafadaha, Xorgobole Qardho Vs Hodan Garoowe.