kedis-logo-2013-jpg
Xalay Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC waxaa ku kulmay Laba xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 16da ah ee sanadkan ka qeyb galaya,

Labada Xaafadood ee fooda isdaray xalay ayaa ka kala dhisnaa Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho , waxayna kala ahaayeen Laanta hawada Bosaso Vs Xorgoble Qardho.,

Labadan Xaafadood ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 16 su’aalood waxyna midiiba laheyd 8 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho ah.

Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Tartanka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay guushu ku raacdo.

Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gaboobay Xaafada Xorgoble Qardho oo la timid 12 Dhibic, halka Xaafada Laanta Hawada Boosaaso ay la timid 8 dhibic oo keliya,  waxaana sidaasi guushii ku raacday xaafada Qardho ka dhisan ee Xorgoble. 

Caawa waxaa fooda is dari doona labada xaafadood ee aan kala dhicin waa xaafadaha, Rixiis Boosaaso Vs Biyo Kulule Boosaaso.

Kediska ramadaanka SBC waa Barnaamij sanadkasta xiliga bisha ramadaan lagu tartan siiyo xaafadaha ka kala dhisan magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana sanadkan ka qeyb galaya 16 xaafadood .

Khaalid Maxamuud
SBC International