Caawa Holka beeyada ee Magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar waxaa ka dhacday xaflad aad iyo aad u balaarneyd oo siweyn looga soo qeyb galay taas oo loogu talagalay sidii loo soo gaba gabeyn lahaa Tartan Aqooneedkii Kediska Ramadaanka SBC International oo loo qabtao Xaafadaha Deegaanada puntland.

Xafladaasi ayaa waxaa ku sugnaa in ka badan 1000 Qof oo ka soo qeyb galay kuwaas oo kala lahaa Dumar, Rag, Yar iyo weynba leh, iyo masuuliyiin ka socotay Dowlada, kuwa Warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC, iyo weliba masuuliyiinta sare ee Shirkada Isgaarsiinta ee Golis .

Sidoo kale waxaa goobtaasi ku sugnaa Tartamayaasha labada xaafad ee u soo haray Final-ka Tartanka kuwaas oo kala ahaa Xaafada Xingood Qardho Vs Xorgoble Qardho.

Waxaa halkaasi lagu soo bandhigay waxyaabo aad iyo aad u cajiib ah sida Shirkada golis oo halkaasi ku soo bandhigtay hadiyado lagu helayo Nasiib oo ay ugu tala gashay Dadweynahii ka soo qeyb galay, waxyaabo Majaajilo ah oo ku aadan Tartanka Kediska iyo weliba waxyaabo kale oo dhamaantood ku taxaluqay Kediska Ramadaanka SBC International.

Ka dib waxaa bilowday Tartanka labada xaafadood ee lagu kalasaarayay Xafaladani gaba gabada ah, iyagoo uu dhexyaalay labadaasi Xaafadood Koob aad iyo aad u qurux badan oo loogu talagalay Xaafadii kaanlinta 1aad gasha.

Tartanka labada xaafadoo ayaa waxaa ku jiray Su’aalo dhinacyo walba leh oo xaafadiiba ay leedahay 5 su’aal, waxaana uu ugu dambeyntii labadaasi xaafadood Tartankoodii uu ku soo dhamaaday islamarkaana ay guushiiraacday Xaafada Xorgoble Qardho oo la timid 8dhicib iyo bar Halka Xaafada Xingood ay la timid dhibco dhan 7 dhicib, sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha gudiga Kediska Ramadaanka SBC International Sheeq Liibaan Mashruuc.

Gudiga Tartanka Kediska Ramadaanka SBC

Halkaasi waxaa hadalo farabadan ka soo kala jeediyay Masuuliyiintii halkaasi ku sugnaa oo dhamaantood tilmaamay in barnaamijkani uu yahay mid meelweyn kaga jira kaalinta wanaagan ee Bulshada,

Maxamed saalax oo isagu ku hadlayay Magaca gudiga Tartan Aqooneedka SBC International ayaa taabtay Arimo farabadan oo gundhig u ah Kediska Ramadaanka SBC iyo ujeedooyinka laga leeyahay, isagoona intaasi raaciyay in intii ay ku guda jireen Tartanka bisha ramadaan balse arimahaasi ay noqdeen kuwo si wanaagsan ku soo dhamaada.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Sh liibaan Mashruuc oo ah gudoomiyaha Kediska ramadaanka SBC, isagoo ku dheeraaday Arimaha Kediska, isagoona halkaasi Cafis ugaga fidiyay Xaafada Waaberi Garoowe oo intii uu Tartanku socday gashay Dembi ka dibna uu gudigu ku rogay Ganaax dhan 3sano

Maamulka Degmada Qardho

Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise Hogaamo ayaa isna halkaasi ka jeediyay Qudbadiisa kaga aadaneyd soo dhaweynta Degmada maadaama uu yahay Ninka Martida looyahay, isagoona ku tilmaamay Tartanka Xaafada mid uu siweyn ugu qancay,

Waxaa sidoo kale uu Hambalyo u jeediyay Xaafadaha Reer qardho ee Koobka u soo hoyay Degmada Qardho, taasna uu ku sheegay in ay ka marqaanti kaceyso in Qardho ay tahay Hoyga Tacliinta Puntland.

Mahad balaran ayaa sidoo kale Duqu uu u jeediyay Hay’ada warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC International sida ay ugaga aqbaleen ku qabashada Xaflada gaba gabada gudaha Degmad aqardho, iyo weliba gudiga Kediska Ramadaanka iyo shirkada Golis.

Maamulka SBC

Maxamed Deeq Cabdala Agaasimaha SBC International ayaa halkaasi ugaga hambalyay Xaafada ku guuleysatay tartanka Kediska Ramadaanka iyo guud ahaan 24tii xaafadood ee ka soo qeyb galay tartanka,

Waxaa uu sidoo kale uu mahad balaaran u celiyay Maamulka Degmada Qardho, Hawenka Degmada Qardho, Dhalinyarada iyo weliba dhamaan intii soo dhaweynta u sameysay Tartanka Kediska iyo Masuuliyiinta SBC International.

Waxaa uu sidoo kale halkasi kaga faalooday Maxamed Deeq ujeeda ugu weyn ee Ay SBC International u qabatay Barnaamijka Kediska Ramadaanka, isagoona sheegay in Kedisku yahay mid loogu talagalay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku mashquulaan islamarkaana loogaga hortago waxyaabaha Fasahaadka keena iyo weliba kor dhinta Tacliinta iyo aqoonta Bulshada.

Waxa uu halkaasi kaga cambaareeyay dad faro ku tiris ah oo iyagu waxyaabo aan habooneen ku tilmaamay tartanka Kediska ramadaanka SBC, waxaanu dadkaasi ku tilmaamay kuwo aan Micno laheyn oo waxmagarato ah.

Culimada

Sh Fu’aad Xaaji Nuur oo ka mid ah Culimada Aadka iyo aadka looga yaqaan deegaanada Puntland ayaa waxaa uu ku dheeraaday wanaaga iyo Aqoonta uu xambaarsanyahay Kediska Ramadaanka SBC international, isagoona soo qaatay Xigamado farabadan oo tilmaameysa Tacliinta iyo Faa iidooyinka ay leedahay.

Waxaa uu sidookale uga mahadceliyay Shirkada Golis iyo Hay’ada Warbaahinta SBC oo iska kaashaday Barnaamijkan waxaanu sheegay in ay umada u soo waarideen Barnaamij Faaiido iyo Tacliin wax badan laga faa iideystay.

Waxa uu sidoo kale  inta uu hadalkiisa watay Sh Fu’aad uu ka codsaday Shirkada Golis in Magaalada Qardho ay ku soo kordhiyaan Adeeyadeeda si ay u fududaato isticmaalka qadadka shirkada maadaama magaalada Qardho ay xiliyada Xagaagu usoo xagaa baxaan Dadka ku dhaqan magaalada Boosaaso,

Shirkada Golis

Faarax Xaaji Mire Hogaanka Xiriirka bulshada iyo Amniga Shirkada Isgaarsiinta ee Golis Telecom waxaanu halkaasi ka jeediyay qudbad aad u xiiso badan oo dhinacyo badan Taabaneysa isagoona ku dheeraaday Shirkada iyo SBC International qaabka ay isagala kaashadeen Kediska Ramadaanak SBC Iyo ujeeda ugu weyn ee ay ka lahaayeen taas oo aheyd in ay ka faa iideystaan Dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale Faarax Xaaji Mire halkaasi ka jawaabay codsi  uu Sh Fu’aad u jeediyay Shirkada golis oo ku aadanaa degmada Qardho, waxaanu sheegay in shirkadu ay aqbashay islamarkaana ay diyaar la tahay dhamaan dhinacyada Adeegyada Shirkada.

Gaba gabadii xaflada ayaa halkaasi waxa lagu gudoonsiiyay tartamayaasha Xaafada Xorgoble koobkii ay qaadeen iyo weliba Abaal marino ay shirkada Golis ugu talagashay Kaalimaha Kediska Ramadaanka.

Ugu dambeyntii xaafada Xorgoble ayaa noqotay Xaafada Horyaalka Kediska Ramadaanka SBC International 2011 iyadoo ku guuleysatay Kaalinta Koobaad, waxaase xaafada Xingood ay noqotay Iyaduna xaafada gashay Kaalinta 2aad, kaalinta 3aadna waxaa qaadatay Xaafada biyo kulule Boosaaso, iyadoona Xaafada Laanta Hawada Boosaaso la siiyay Xaafada ugu asluub badneyd Tartanka inta uu soconayay.

Khaalid Cayuuni
SBC International
khaalidcayuuni@gmail.com