Waxa caawa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Koontroolka laga soo galo magaalada Boosaaso Xarunta gobolka Bari Xaafada Xorgoble Qardho oo u taagan Finalka tartanka Xaafadaha Kediska Ramadaanka SBC,

Soo dhaweyn balaaran ayaa waxa u sameeyay xaafadan Xaafada kale ee la tartamaysa Waa Xaafada Laanta Xawada Boosaaso, iyadoo kaga hortagtay Afaafka Hore ee Magaalada.

Waxaa ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyay Xaafada Xorgoble Qardho Gudiga tartanka kediska Ramadaanka SBC, Maamulka iyo Shaqaalaha Warbaahinta SBC iyo weliba Taageerayaal badan oo ka tirsan Bulsha weynta Boosaaso.

Ka dib Soo dhaweyn waxaa loo soo gelbiyay Dhalinta Xaafada Xorgobole Qardho gudaha Magaalada Boosaaso oo looga sii gudbiyay Hotelkii ay ka degi lahaayeen.

Habeen Dambe oo Khamiis ah ayaa waxaa lagu wadaa in Labadan xaafadood waa Laanta Hawada Boosaaso Vs Xorgoble Qardho ay ku tartamaan Xaflad Balaaran oo loogu qaban doono gudaha Magaaladan Boosaaso.

Sawiro






Gudoomiyaha Xaafada Xorgobole Qardho

GUdoomiyaha Xaafada Soo dhaweynta sameysay ee Laanta Hawada Boosaaso

K M Cayuuni
SBC International