Caawa Kediska Ramadaanka SBC waxaa isku arkay laba xaafadood oo ku tartamayay Kaalinta Sedaxaad ee tartanka Kediska ramadaanka SBC oo ininka maraya Heer Gaba gabo ah.
Xaafadaha Tartamay ayaa waxay kala ahaayeen Xaafada Qoryacad Qardho Vs Laanbarwaaqo Ufeyn, waxaana tartan xiiso badan oo dhexmaray ka dib ay guushii raacday islamarkaana noqotay xaafada gashay kaalinta 3aad ee Tartanka xaafada Qoryacad Qardho, waxaana ay la timid dhibco dhan 14 dhibic halka Laanbarwaaqona ay keensatay 10 dhibic.
Waxaa hadaba la wada sugayaa natiijada kulanka Bacdal Ciid dhexmari doona xaafada Laanta hawada Boosaaso Vs Xorgoble Qardho kaasi oo noqonaya kan ugu dambeeya kediska ayna labadan xaafadood mid ka mid ahi noqondoonto Horyaalka sanadka.
Sidee u aragtaa labadan xaafad ee Final-ka taagan, xaafadeedse taageersantahay?,
Dhibo Figradaada