Waxaa soo gaba gaboobay Barnaamijka Kediska Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee caawa kaas oo ay SBC international ku tar tansiiso xaafadaha Deegaanada Puntland.

Caawa waxaa qeybtii hore Fooda is daray xaafadaha kala ah Laanta Hawada Boosaaso  iyo xaafada Indhacad oo isla Boosaaso ku taala.

 Waxaa dhexmaray labadaasi xaafadood tartan aqooneed aad u xiisobadan, waxaana ay ugu dambeyntii ku soo dhamaatay oo ayna guushu raacday xaafada Laanta Hawada Boosaaso  iyadoo la timi dhibco dhan 19, halka xaafada Ex Dayaxa Indhacad  ay la timo 6 dhibic.

IIDHEH AMA XAYEEYSIIS
[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/08/SBC-KEDISKA-IIDHEH.mp3|titles=SBC KEDISKA IIDHEH]

Waxaa sidoo kale loo balansanaa in daqiiqado ka dib uu bilowdo kulanka Labada xaafadood ee kale kuwaas oo kal a ahaa Xaafada Israac oo Gaalkacyo ka socotay iyo Xaafada Xorgoble oo Qardho ka socota.

Kulankaasi Tartan aqooneedka ahaa ma Suurta Galin in uu Qabsoomo Sababo cabashooyin ah oo ay Xaafada ku taala Gaalkacyo ee Israac  ay soo gudbisay, waxaana ay sheegeen in aanay ka qeyb geli Karin Tartanka Kediska bisha ramadaan ee SBC,

Ka dib wada Hadal iyo wada Munaashaqood dhexmaray xaafadaas iyo gudiga kediska Ramadaanka SBC waxaa soo baxay Go’aan laga qaatay Xaafadaas.

Gudoomiyaha Kediska Bisha ramadaan ee SBC International Sh Liibaan Mashruuc ayaa Sheegay in Ay Xaafada Israac ku adkeysatay in aanay ka qeyb galeyn Tartanka Kediska sidaas awgeed ay ka qaateen Go’aanka ah in si toos ah dhibcihii ay Laheyd Qaab Forfeit ah loogu wareejiyo Xaafadii la tartami laheyd waa Xaafada Xorgoble Qardho.
[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/08/SH-Liibaan.mp3|titles=SH Liibaan]

Waxaa Xusid iyo Xusuusinba mudan in Barnaamijkan Tartan Aqooneedka ah ee ay SBC International Sanad walba Bisha Ramadaan u Qabato Xaafadaha Deegaanada Puntland ay si joogto ah Maalgelin ugu sameyso Shirkada Isgaarsiinta Geyigeena ee Golis Telecom Soomaalia, Golis Waa Wehelka Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC, Golis Hanoolaato!.

       Khaalid Cayuuni
     SBC International
khaalidcayuuni@gmail.com