Waxaa si toos ah uga socota Hoolka Xafladaha Hotelka Juba ee Magaalada Boosaaso Xafladii Gaba gabada Kediska Ramadaanka SBC international .

Xaflada ayaa waxaa lagu furay Aayadaha Qur.aanka kariimka ah, iyadoo ka dibna ay gudigu shaaciyeen in si toos ah loo gudagalayo tartanka labada xaafad ee isku arkaya Final-ka Kediska ee Laanta Hawada Boosaaso Vs Xorgoble Qardho.

Waxaa tartan xiiso leh oo iminka soo gaba gaboobay uu dhexamray Labadaasi Xaafadood Waxaana ay guushii raacday oo Halkaasi ka shaaciyay gudiga Kediska Xaafada Laanta Hawada Boosaaso oo halkaas ku qaaday Koobsanadeedka Kediska SBC International.