Qaar ka mid ah baraha Internet-ka Soomaalida ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxay baahinayeen sawirka iyo filim uu iska duubay wiil Soomaaliyeed oo ku nool wadanka Mareykanka kaasi oo uu kaga hadley qiimaha Hooyada, waxaana filimkaasi ay u adeegsadeen qaar ka mid ah Werbsite-yadu inay u turjumaan in wiilkaasi uu ka mid ah yahay dhalinyaro qaraxyo ka geysatey magaalada Muqdisho todobaadkan kuwaasi oo ka mid ahaa xarakada Al-Shabaab.

Saxaafada qaarkeed xishoodkii & runtii ayaa ka fogaatey:

Xeerarka saxaafada waxaa ka mid ah run sheeg iyo warar sugan  oo la hubo laga gudbiyo dhinaca ay quseyso, ama loo tabiyo bulshada, laakiin mala awaal iyo warar been ah ayaa ku batey qaar ka mid ah saxaafada Soomaalida kuwaasi oo meel ka dhac weyn oo ku noqdey boogo iyo haaro ceeb ah oo wajiga kaga dahaaran guud ahaan Soomaalida kufaa kacaysa ee Soomaalida.

Wiilkan oo lagu magacaabo Ibraahim Cabaas wuxuu ku nool yahay gobolka Penslavania ee dalka Mareykanka, waxay ku noqotey qaracan iyo filan waa in isagoo nool oo reerkisii la joogo lagu tilmaamo in uu dhintey oo uu ka mid ahaa kooxdii isku qarxisay xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.ibrahim3

Ibraahim ayaa saxaafada la xiriiray wuxuuna bixiyey wareysi cod oo uu ku beeniyo in uu is qarxiyey oo uu dhintey, wuxuu sheegay in warkaasi laga faafiyey uu yahay been iyo ILAAH ka dheeraansho.

Wareysiga Ibraahim laga qaaday oo lagula yeeshay luuqada Ingiriirska iyadoo ay u muuqanayso in ku hadalka afka Soomaaliga aanu ku wanaagsaneyn wuxuu ku sheegay in uu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1986-kii, wuxuu sheegay in laga soo wadey Soomaaliya isagoo lix bilood oo qura jira, isla markaana ilaa xiligaasi wixii ka dambeeyey aanu dib ugu laaban Soomaaliya.

Ibraahim wuxuu ku sheegay wareysigiisa in uu bartey oo waliba “dariiqa wanaagsan” u bartey shareecada Islaamka ee rumeynta ALLE iyo diintiisa, isagoo sheegay in uu ku bartey Diinta Bariga dhexe.

Ibraahim wareysiga wuxuu ku sheegay waa sida uu hadalka u yiri’e in uu ka soo horjeedo Al-Shabaab, isagoo sidoo kale sheegay in uu aad uga soo horjeedo wax uu ugu yeeray Mayal adeyga Sacuudiga, isagoo xusey inaanu qayb ka noqon doonin wax uu ku tilmaamay dad isqarxinaya.

ibrahim

“Waxaan ka soo horjeedaa AL-Shabaab, waxaan ka soo horjeedaa mayal adeyga Sacudiga, waligeyna qayb kama noqonayo dad is qarxinaya, umana ogolaan karo qof kasta oo ka mid ah dadkeyga iyo guud ahaan Soomaalida inay raacaan dariiqa Wahaabiyada”.ayuu hadalkiisa ku sii darey Ibraahim.

“Magaceygu waa Ibraahim Ibnu Cabaas  Al Hariri, waxaan ahay wiilka isagoo ku faanaya Fawsiyo Muxamed, sidoo kale waxaan ahay wiilka anigoo ku faanaya Cabaas Muxamed, waxaana ILAAH uga baryaya ajar iyo xasanaad iyaga, iyo dhamaan qof kasta oo i taageeray” ayuu yiri Ibraahim oo sidoo kale ku tilmaamay hadalka laga faafiyey ee ah in uu isku qarxiyey Muqdisho uu yahay falka Shaydaanku uu dadka ku hayo, isagoo sheegay in dadka qaarkiis wixii uu shaydaanku u sheego ay ku dhaqaaqaan iyagoon hubsan, wuxuuna ILAAH uga baryayey dadkaasi in uu ka leexiyo Shaydaanka wadadiisa, isagoo ula jeeday hadalkan dadkii ka faafiyey warka ah in uu isku qarxiyey Muqdisho.ibrahim3

Dhinaca kale hoyga uu ku leeyahay adeega xiririka dadweynaha ee Internet-ka gaar ahaan Facebook-ha wiilkan ayuu ku beeniyey wararka laga faafiyey, isagoo sheegay in uu dhawaan rajeynayo in uu guursado.

“Dadkaasi been ayay iga faafiyeen waa xaasidiin, waxay doonayeen inay been ka sheegaan filimkeyga oo ay lacag ka sameeyaan, ILAAH hala jiro Hooyaded iyo dhamaan Hooyooyinka, kuwa beenta iga sheegay sidii ku noqon karaan dad aan qalbi laheyn, miyey ka fakareen aniga iyo Hooyadey marka ay filimkeyga baahinayaan aniga amar la’aantey, sidoo kale waxay been ka sheegeen nolasheyda isla markaana aan ahaa kii isqarxiyey, waxaan doonayaa inaan guursado oo aan la noolaado xaaskeyga sidii ku dhici kartaa inaan isqarxiyo”.

Dhageyso wareysiga wiilkan lagu sheegay in uu isqarxiyey lala yeeshay oo uu beeninayo

Hadaba waxaa ceeb iyo yax yax ku noqon doonta dhamaan saxaafadii warka been abuurka ah ka faafisay wiilkan Soomaaliyeed cadeynta uu bixiyey ee ku aadan in uu isku qarxiyey Muqdisho, iyadoo ay u tahay tusaale saxaafada qaladka wax u faafisa inay ka fiirsan waxa ay bulshada u keenayso, iyo waliba saameynta dambe ee uu reebayo wararka xambaarsan dhiilada.

Link-ga hoose ka daawo filimkii looga been sheegay in uu isqarxiyey oo uu Hooyadiis kula hadlayey.

Video

Maxamed-Qadar Isxaaq
SBC International Dublin