Dawlada Mareykanka ayaa la sheegay in lagu soo oogi doono dacwad la xiriirta dilkii hogaamiyihii shabakada Al-Qaacida Osama Bin Ladin oo 2-dii bishan lagu diley weerar gaadmo ah oo ka dhacay wadanka Pakistan.

Cumar Bin Ladin oo ah wiil uu dhaley Cusama Bin Ladin ayaa shaaca ka qaaday in dilkii Aabihiis uu ahaa mid dambiilinimo ah waxaana uu sheegay in uu ku dhaqaaqi doono talaabo uu dawlada Mareykanka sharciga kula tiigsan doono.

Warsaxaafadeed lagu sheegay in uu soo gudbiyey Cumar Bin Ladin oo la soo dhigay bar Internet oo Islaami ah ayaa ku tilmaamay dilka mid dambiliinimo ah, bayaankaasi oo uu soo saarey Cumar Bin Ladin.

Cumar oo ah wiilka afaraad ee ilmaha uu dhaley Cusama Bin Ladin ayaa ku sheegay bayaanka uu saarey in isaga iyo ilmaha kale oo ka tagey Cusama Bin Ladin inay u leeyihiin xaq ay dawlada Mareykanka kula tiigsan karaan sharciga u maraya hab qaanuun oo caalami ah, iyagoo doonaya inay helaan xaqiiqda halka uu ku dambeeyo “Aabaha la waysan yahay”.

 “Waxaan u haysana madaxweynaha Mareykanka Barack Obama in uu sharciyan masuul uga yahay dilka Cusama Bin Ladin, isagoo ku tilmaamay mid aan la aqbali karin diin ahaan iyo bini’aadamtinimo ahaan in sida qof muhiimkaasi ah oo dadkiisa ku dhex leh ahmiyad sare meydkiisa badda lagu tuuro, taasi waxay  bahdil ku tahay caruurtiisa, qoyskiisa & taageerayaashiisa, taasi oo waliba si buuxda u raabanaysa malaayiin muslimiin ah” ayuu yiri Cumar Bin Ladin.

Wargeyska New York Times oo soo xiganayey Cumar Bin Ladin wuxuu Cumar sheegay in uu ka soo fogaadey fikdaraha Aabihiis uu watey, isagoo dhawr jeer ku celceliyey.

Wuxuu sheegay in isaga qoyskiisu aanay aaminsaneyn in Aabahood la diley, isagoo taasi ku macneeyey in aanay wali hayn meydkiisii taasina ay uga baahan yihiin cadeyn la xiriirta sawiradiisa geeridiisa.

Cumar wuxuu tibaaxay in ay su’aal adag oo dhanka sharciga ah ka qabaan dilka Abahahood wuxuuna xusey in qof aan hubaysneyn in la dilo ay tahay talaabo jabinaysa xeerarka & qaanuunka caalamiga ah.“Dilka Aabaheen waxaan ka qabnaa su’aalo badan oo sharci ah, maxaa yeelay hadii uu dambi leeyahay waxay aheyd in maxkamad la horkeeno, sidii Madaxweynihii hore ee Ciraaq Sadaam Xuseen & waliba Madaxweynihii Serbia Slobodan Milosevic kuwaasi oo fursad loo siiyey in maxkamad la soo taago” ayuu yiri Cumar Bin Ladino o sidoo kale ku tilmaamay bahdil & quursi fool xumo ah habkii loo diley Aabihiis.

Cumar wuxuu xusey inay dalban doonaan baaris la xiriirta sababta Bin Ladin si deg deg ah loogu qaarijiyey isla markaana aan loo soo taagin wax maxkamad ah, isagoo sidoo kale sheegay inay dalbanayaan in la siidaayo sadexda xaas & caruurta Bin Ladin ee haatan ay gacanta ku hayaan ciidamada Sirdoonka Pakistaan.“Go’aanka Mareykanku ay ku go’aansadeen in Aabaheen ay badda ku ridaan meydkiisa waxay qoyskeenu u arkaan mid fool xumo ah oo, waxay aheyd in qoyskeena lagu soo wareejiyo oo sida diini ah u aasno” ayuu yiri Cumar Bin Ladin.

 Cumar Bin Laden oo 30 sano jir ah wuxuu qabaa haweenay British ah oo Muslim noqotey oo 25 sano ka weyn da’diisa waxaana mudooyinkii ugu dambeeyey uu deganaa wadamada Bariga dhexe gaar ahaan wadanka Qadar.Xaaskiisa oo horey loo oran jirey Jane Felix-Browne,waxay hada la baxdey magaca Zaina Bin Laden  waxay ka gaabsatey inay ka jawaabto codsiyo dhanka telefoonada & e-mailka ah oo la xiriira inay arintan ka hadasho.Cumar & Zaina  waxay furiin aan dhameystirneyn ku kala tageen dhawr bilood ka hor ka dib markii ay sheegatey in uu qabo xanuuno xaga maskaxda ah, laakiin haatan dib ayay u heshiiyeen, inkastoo Cumar wareysi uu siiyey wargeyska Daily Mail uu ku sheegay in aanu dib dambe ula heshiin doonin Zain.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com