Wiil uu dhalay abwaanka caanka ah ee Maxamed Cabdullaahi Ciise (Sangub) ayaa lagu dilay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Abwaanka oo ku sugan Muqdisho ayaa VOA u xaqiijiyay dhimashada wiilkiisa Allamagan oo 24-jir ahaa.

Sawirka Abwaan Sangub

Sawirka Abwaan Sangub

Booliska ayaa sheegay inay rumaysan yihiin inay dhacdadu ahayd mid ku-talagal ah, baaritaan ayayna billaabeen.

Sangub Ayaa Sheegay ineysan Wax Cusub Aheyn In Somali Lagu Dilo Magaaladda Minneapolis Ee Dalka Mareykanka, Wuxunna Sheegay in Wiilkiisa La Dilay Xilli Uu ka soo Baxayay Goob maqaaxi Ah.

Magaalada Minneapolis waxaa ku nool Soomaalida ugu badan, dhowr jeer oo horena waxaa ka dhacay dilal noocaan oo kale ah oo loo gaystay dhallinyaro Soomaali ah.

SBC, News.