Daa’uud Aflanacay ayaa si toos ah maalintii shalay eheed u qaarajiyay nin lagu magacaabo saalim oo u dhashay dalka Tanzania ka dib markii ay aflagaado iyo hadalo is dhaafsadeen.

muwaadinka Soomaaliyeed ayaa toorey ku garaacay ninka reer tanzania oo la’aaminsanyahay in uu ahaa nin muslin ah oo saaxiib dhow la’ah Soomaalida  ku nool cape town intooda badan.

Marxuumka dhintay ayaa la sheekayaa in uu ku nafwaayay goobta lagu bartilmaameedsaday oo eheed meel ay dadka ku fara badanyihiin, wiilka soomaaliga ah oo aan wax baxsasho ah isku dayin ayaa waxaa daqiiqado ka dib gacanta ku dhigay booliska oo xabsiga u dhaadhiciyay.

Daa’uud ayaa waxaa la leeyahay waxa ku qasbay in uu dilo ninkan dhibaatooyin ay ugu horeeyaan arimo ganacsi oo dhawaanahanba soo jiidamayay maadaama ay wadaagan irdo ganacsi oo aanan sidaas u sii kala fogeyn sidaas waxaasbcu sheegay maxamuud cilmi.

Ayadoo dhawaanahan lala yaabanaa  dilka loo adeegsado tooreyda oo ka socda xaafada belville ayaa markani waxa ay u soo tilaabsatay bartamaha magaalo xeebeetkab cape, dilka shalay waxa uu ka dhacay ilinka hore ee bankiga ugu weyn dalkan ee standard bank, sidoo kale waxaa ku dhow halkaa dhismaha ugu caansan Cape town ee Convention Canter, waxaa dhabarka dambe ka xiga Civic canter oo ah aqalka laga maamulo dowladaha hoose ee gobolka, hoteelka ugu qaalisan maagaalada ee Captioning Lodge loo yaqaano ayaa ku aadan sidoo kale.

Maalintii isniinta ayey eheed markii labo Soomaali ah oo isku ceyrsaneysa toorey bartamaha magaaladan ay ku soo bexeen booliska taasoo ka yaabisay maqluuqa u soo shaqo  doonto  magaaladan.

Gacan ku dhiiglihii Soomaaliga ahaa ayaa loo dhaadhicay xabsiga weyn ee magaalada si loo horgeeyo sharciga waxaana lagu wadaa in maxkamad la horkeeno maalmaha soo socdo.

Dhinaca kale

Dalka koonfur africa oo ay ku noolyihiin Soomaali aad u fara badan ayaa maalin walba wax aad maqleysa amaba aad arkeysaa waxyaabo gudaha dalkan kaaga yaabinaya balse Soomaaliya markii la joogay aanan micno yaableh eheyn.

 ayadoo la wada xasuusto dhacdadii isbuuc ka hor ka dhacday xaafada ay soomalida ku badantahay ee Bellville oo qof Soomaali ah uu toori kala dhex kacay muslimiin soo cibaadeystay ayaa hadane isbuucan waxaa dhacday in sheikh imaam masaajid ah la dharbaaxo.

Wiil magaciisa la iigu sheekay daa’uud Carab ayaa habeenimadii talaadada salaada cishe markii laga baxay dharbaaxo kula booday imaamkii dadka salaada ka bixiyay oo la yiraah shiiq manaan.

Masjidka oo ku yaalo bartamaha magaalada cape town ayaa waxa ku duganayay soomaali iyo ajaanib kale oo aad u fara badan taasoo la yaab ku noqotay waxa uu sameeyay muwaadinkan u dhashay dalkeena soomaaliya.

Wiilkan ayaa hadalkiisa waxa uu ahaa maxaad u duceyneysaa salaada ka dib murtadyohow aanan diinta islaamka waxba ka aqoon.

Wiilkan ayaa waxa uu ku noolaa dalka mudo ka yar hal bil, waxaana la’aaminsanyahay in uu casharo badan ka soo bartay islaamiyiinta isku haya dalkeena Soomaaliya.

Dadkii ayaa arintani ay kawada fajacisay, ilinka hore ee masaajika waxaa lagu soo qoray hadii soomaaliyey aad masaajidka dadka ku dileysaan salada hasoo xaadirina.

Waxaa muuqato qaladaadkii muuqday ee aan ku heynay dalkeena in aan la nimid qurbaha aan ku noolnahay taasna waxa ay muujineysaa in arimaha dalkeena ka jira xitaa aysan eheyn diin ee siyaabo kale loo badalanayo.

Saadaad Aahmed Gobey
SBC  Iinternational
sadaamg@gmail.com
koonfur afrika