Warar lagu qoray Warbaahinta Caalamka iyo  Baraha Bulshada ayaa lagu sheegay in Wiil Soomaali ah oo ka Barbar dagaalamayay Kooxda IS uu isku Qarxiyay Dalkaasi Ciraaq.

Wiilkaan Soomaaliga ah ayaa Magaciisa lagu soo gaabiyay Abu Zeyd ayaa la sheegay in uu Kaxaynayay Gaari Taangi ah oo kaas oo isku Qarxiyay Saldhig Ciidan oo ku yaala Magaalada Caasimadda Baqdaad.

Sidoo kale Bayaan ka soo Baxay Kooxda Daacish ayaa lagu sheegay in Wiil Soomaali ah Balse aan la sheegin Dalka uu ka yimid ka hor ku biirista IS uu Isku Qarxiyay Saldhig Ciidan oo ku yaala Magaalada Baqdaad,

Hasse ahatee ma ahan markii ugu horeysay  oo Muwaadin Soomaaliyeed uu ku dhinto Dagaalada Kooxda Is ay ka wado Suuriya iyo Ciraaq,iyadoo uu noqonayo Soomaaligii ugu horeeyay oo Isku Qarxiya Dalka Ciraaq

La soco Faah faahinta,