Wiil yar oo 19 sano jir ah oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Ismaaciil Khaliif ayaa ka warbixiyey sida naxdinta huwan ee looga jarey lug & gacan isdhaaf ah, talaabadaasi oo ay ku kaceen sida uu sheegay xubno ka mid ah xarakada Al-Shabaab.

Ismaaciil oo haatan ku nool wadanka Norway wuxuu ka waramayaa sida naxdinta laheyd ee lugta & gacanta looga jarey, qaabkii loola dhaqmay, in daawo ama xanuun baabi’in lagu sameeyey, sababta keentey in lugta & gacanta isdhaafka ah looga jarey, cidii xukunkaasi ku qaaday, nolashiisii yaraaantiisa.

Ismaaciil wuxuu kaloo ka hadlayaa sidii uu ku yimid wadanka Norway & waliba cidii ku siisay gacanta, waxaana barnaamijkan muuqaalka ah diyaariyey Wariye C/raxmaan Xudeyfi, isagoo kula kulmay Ismaaciil wadanka Norway.

Si aad u daawato dhacdadan xanuunka badan & wiilkan oo ka sheekaynaya dhacdada lugta, gacanta looga harey & waliba lugtii & gacantii laga jarey ka daawo link Video-ga hoose.

Daawo


SBC News Desk