Wararka ka imaanaya Degmada rako raaxo ee Gobolka Karkaar ayaa ku warmaya in halkaasi ay gaareen wefdi ka socda Maamulka Puntland oo ay ku jiraan wasiiro Xildhibaano Salaadiin iyo cuqaal kale kuwaasi oo halkaas u tagey dhexgalida beelo walaalo ah oo halkaas ku dagaalamay.

Wefdiga waxaa hogaaminaya wasiirka Arimaha Gudaha ee Puntland Gen C/laahi Axmed Jaamac Ilkajiir waxaana ujeedka wefdiga ee Degmada lagu tilmaamay sida maamulka puntland uu gacan uga geysan lahaa sidii wada xaajood is isgarad loogu dhameyn lahaa xiisad halkaas ku dhexmartay beelo walala ah.

Deegaanada ay wefdiga tageen ayaa waxaa dhinaca miyiga ayaa todobaadkii hore waxaa ka  dhacay Muran dhinaca daaqsinka iyo Biyaha la xiriira oo dhexmaray xooolada dhaqatada Beelaha dagaalamay waxaana xiisadoda hore ay sababtay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

Deegaanada Miyiga ee lagu dagaalamay ayaa waxaa la kala yiraahda uurjire iyo gub waxaana deegaanada xoolahooda daaqsin u geysta Xoolo dhaqato soomaaliyeed oo degan deegaanadaas.

Wefdiga Punland ee haatan aaday Rako waxaa ka mid ah  Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose Gen. C/laahi Axmed Jaamac Ilkajiir Wasiirka wasaarada duulista hawada iyo Garoomada Cali Axmed Gamuute  Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha diinta Maxamuud Xaaji Siciid Xildhibaan Cabdilaahi Sheekh, iyo Suldaan Muuse Axmed Muuse.

Muranka dhinaca daaqsinka iyo Biyaha ayaa mid had iyo goor ay ku dagaalamaan xoolaleyda soomaaliyeed iyadoona ay inta badan ka dhashaan khasaarooyin kala duwan. 

Maxamed Deeq Cabdalla
Mdeeq@allsbc.com
 SBC International  Monitoring