Weeraryahanka  Naadiga Hercules ee Wadanka Spain una qaata Lambarka 18 Xulka Paraguay  waxa ay soo Gaareen Coyaarta kama dambeysta ee Finalka Koobka Laatiin America 2011 ka  dib markii ay uga badiyeen Ciyaartii Sami Finalka Koobkaasi 5-3 Xulka Venezuela oo ahaa Dalkii Martgaliyay Koobka Laatiin Ameerica 2007 Markaasi oo ay ku guleysteen Xulka Baraasiil oo 3-0 ku Maquuniyay Arjantiin.

Kulankii Xalay qabsoomay Saacadihii Danbe una dhaxeeyay paraguay iyo Venezuela ayaa ahaa mid adag oo aan waxba la iskula reeban waxaana labada xul ay isku qaadeen Weeraro kaal gadisan iyadoo ciyaartaasi waqtigii loogu taala galay iyo waqtigii lagu daray lagu kala nastay 0-0,waxaana lagu kala saaray Rigoorayaal ay ugu dambeyntii 503 ku badiyeen paraguay oo sidaasi Finalka ugu soo gudubtay lana ciyaari doonta  24-7-2011 Xulka Urugway.
Labada Wadan ee ku loolamaya Ciyaarta Finalka ayaa marka la eego qaabka kulamadii ay soo ciyaareen kulankaasi ka hor Xulka Urugway waxa uu ku yimid Finalka Badis iyo Barbardhac,halka Paraguay ay ku yimaadeen Barbardhac iyo Rigoorayaal waxaana la si weydiinayaa weeraryahanka Naadiga Hercules ee u laabtay Seria B horyaalka Spain Ciyaaryahan Heado Valdes una qaata lamabarka 18 ma u suurta galin doonaa Xulkiisa inay hantiyaan koobkaan ay finalkiisa ku yimaadeen  dhibkaasi una soo mareen Xaaladaasi adag,mise Uruguay ayey u haneyn doonaan oo ay u saftaan Xidigo aan dab yar shideyn.

Waxaa Diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle (uurdoo)
uurdoox2011@hotmail.com