Xulka Urugway ayaa Xalay Saqdii dhexe u soo Talaabay Ciyaarta kama dambeysta ah ee Finalka Koobka 43 ee Laatiin Ameerica kana socday Wadanka arjantiin,ka dib markii ay 2-0 uga badiyeen Xulka Peru oo ka mid ahaa Wadamadii ka qeybgalayay Tartankaan.

Urugway oo Xalay soo Bandhigtay Ciyaar Awoodeedu aad u sareysay una muuqatay mid ay ku doon dooneysay sidii ay u gaari lahaayeen Finalka Koobkaasi ayaa Weeraro is daba jooga ku qaaday qeybtii hore goolka Peru waxaana ay dhowr jeer sigeen goolka  Xulkii ka soo horjeeday iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay 0-0.

isu soo noqodkii Ciyaarta waxaa daqiiqadii 52 Goolkii ugu Horeeyay shabaqa Peru taabsiiyay weeraryahanka Naadiga Liverpool qarankiisana u watay Lambarka 9 Suarez oo ka faaideystay Kubad uu qaban waayay Goolhayaha Peru uuna ku laaday Saaxiibkii Diego Forlan

5 daqiiqo ka dib daqiiqadii 57 waxaa markale u labeeyay Peru ciyaaryahan Suarez oo helay gudub uu u gudbiyay Saaxiibkii Naadiga Fc borto 11 u watay Xulka Urugway A.Bareira,waxii markaasi ka dambeeyay ciyaarta ayaa sii kululaatay waxana daqiiqado ka dib Calaamad cas loo taagay Kabtanka Peru una ciyaara Naadiga fiorantina  Ciyaaryahan Vargas oo sitay lambarka 6 waxaana ciyaartii ay ku soo agab gabowday 2-0 ay ku badiyeen Xulka Urugway oo guushaasi  u qalmay ka dib markii ay muujiyeen Ciyaar Farsamadeedu aad u sareysay kuna dhisan Adkeysi.

Xulka Urugway oo ka mida 2 wadan ee ugu qaadista badan Koobka Laatiin Ameerika waxa uu sugayaa Paragway vs Venezuela tii soo badisa kulanka ay wada ciyaari doonaan saqda dhexe ee caawa Xiliga waxaana ciyaarta Finalka la qaban doonaa 24-7-2011 hadaba Uruguay ma u ruboobi doontaa riyadeeda ah in Sanadkaan ay Hantiyaan Koobka Laatiin Ameerica markoodii 15 aad.

Dhinaca Gooldhalinta waxaa min 3 gool ku hogaaminiya Suwares oo u safta Xulka Urugway iyo Agguero oo u safta Xulka Arjantiin.

Waxaa Diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle (uurdoox)
uurdoox2011@hotmail.com