Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday saaka aroortii xarun ay leeyihiin ciidanka Ammniga Dowladad Federaalka Soomaaliya taas oo ku taala degmada Shibis ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Dadka deegaanka oo la hadlay sbc ayaa sheegay in ay maqleen qarax sameeyay jug culus kaas oo lala eegtay saldhiga ka dibna ay bilaabatay rasaas daran doori u dhaceysa taas oo fool ka fool la isku adeegsanayay,

Lama garan karo khasaaraha dhashay inkastoo qaraxa iyo rasaastu ahaayeen kuwo culus oo sida la sheegayo dhalinkaraan khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaase xusid mudan in xaruntaas uu ka bilowday howlgal adag oo ay ciidamadu ka sameynayaan.