Weerar iyo go’doomin lagu sameeyay rag dad ku afduubtay hoteel ku yaala bartamaha magaalada Sevare ee dalka Mali ayaa loo malaynayaa in ay ugu yaraan saddex iyo toban ruux ku geeriyoodeen, waxaana ku jira shan qof oo u shaqaynayay Qaramada Midoobay.

Afar kale oo u shaqaynayay Qaramada Midoobay ayaa badbaaday kaddib markii ay 24 saac ku dhuumanayeen armaajooyin.

Dadka weerarka gaystay oo looga shakisanyahay Islaamiyiin ayaa dib loogu caabiyay Hoteelka kaddib markii ay weerareen saldhig ciidan oo aan ka fogayn.

Hareeraynta lagu hayay Hoteelka ayaa dhamaatay kaddib markii ciidammada dawladdu ay weerar ku qaadeen dhismaha sabtidii.

Ma jiro urur sheegtay in uu ka dambeeyay weerarkaasi.

Ugu yaraan saddex ka mid ah dadkii hubaysnaa ayaa la dilay todobo kalena waa la xiray.

Dhanka kalana waxaa la sheegay in ay weerarkaasi ku dhinteen shan ka mid ah ciidammada Mali

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Mali ayaa war ay soosaareen ku sheegay in ay weerarkaasi ku dhinteen labo ruux oo reer Ukraine ah, qof reer Nepalese ah iyo qof reer Koonfur Afrika ah.