Kabul:-Ilo wareeyo booliska Afghanistan ayaa sheegay in koox hubaysan ay soo weerartay Hotel Inter Continental xarunta dalka Afghanistan ee Kabul, kaasi oo sababay dhimashada ugu yaraan 15 qof.

Booliska Kabul ayaa u sheegay BBC-da in iska hor imaad uu dhexmaray ciidanka amaanka Afghanistan iyo kooxihii soo galay Hotel-ka.

Ilo wareed kale ayaa u sheegay BBC-da in ay la dagaalameen koox naftood hurayaal ah.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegtay in xarakada Dalibaan ay sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Sidoo kale warbxino ayaa sheeegaya in saddex naftood hurayaal ah ay isku qarxiyeen ganjeelka hore Hotel-ka iyo dabaqa labaad iyo dhismaha gadaashiisa.

Taliye kale oo boolis ah ayaa sheegay in tiro kamid ah ciidanka booliska uu dhaawac ka soo gaaray iyadoo goobtii oo dhan ay isku bedeshay mugdi markii ay korontadii ay ka go’day deegaankaas.

Kabul ayaa ah mid mar walba marka dambeeya ay ku sii badanyeen weeraradaan inkastoo amaanka si ad loo adkeeya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarka uu bilaabmay markii inta baan dadka degan ay isu diyaarinayeen cashada Hoteel-ka

Mid kamid ah dadka degan Hoteel-ka ayaa u sheegay in xaalad kacsanaan laga dareemayo iyadoo sidoo kalana amar lagu bixyey in dadka degan Hoteelka aysan albaabada qolalkooda furin.

Hotel Inter continental ayaa kamid ah kuwo ugu caansan hoteelada dalka Afghanistan maadaama la dhagax dhigay hoteelkan 1969, islamarkaana isagoo ah kulaala magaalada Kabul..

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring