Ciidamada Badda ee wadanka Iiraan ayaa ka hortagay Weerar Kooxo Burcad badeed Soomaali ah ay ku qaadeen Markab Nooca Shidaalka Qaada oo laga Leeyahay wadanka Iiraan.

Markabka Burcad badeeda laga Fujiyay oo la Jiraahdo MV Hoda ayaa waxaa ay Kooxo Hubeysan ku weerareen Biyaha Baab Almandab ee Dhaca Biyaha Gacanka Cadmeed ee Badda Cas

Markabkan la weeraray ayaa waxaa uu fariin Gargaar Dalbasho ah u diray Maraakiibta Dagaal ee Jooga Xeebaha Badda cas waxaana u soo gurmaday Mid ka mid ah Maraakiibta Iiraan kaasi oo Erayada Kooxihi weerarka ku qaaday MArkabka.

Burcad badeeda Markabka HODA laga fujiyay ayaa waxaa ay markabka ku tureen Gantaalada Garbaha laga Tuuro & Rasaasta ka dhacda Qoryaha Fudud Hase ahaatee waxaa Markabkaasi ka badbaadiyay Ciidamada Iiraan.

Biyo Badeedka Gacanka Cadmeed oo Ah xiriiryaha Badaha waweyn ee Caalamka ayaa waxaa khatar baahsan ku haya Kooxaha Burcada Soomaalida oo Sannadihii ugu danbeeyay si aad ah ugu soo qamaamay Dhinaca Badda

Hayadaha Baddaha Aduunka ee IMB ayaa horey walaac daran uga soo saartay sii kororka Burcad badeeda & Sidoo kale Bixinta Lacagaha Madaxfurashada ee ay bixiyaan Shirkadaha Iskaleh Gadiid badeedka la afduubto.

SBC International  Monitoring