Iyadoo maanta maamulka somaliland ay xusayaan 18 May ayaa qaar ka mid ah waxgaradka gobolka sool ay sheegeen in maanta magaalada Laascaanood Shacabkooda ay Wadeen howlo nadaafadeed oo guud ahaan ay ka qayb qaateen qaybaha bulshada kuwaasoo dhinaca kalena waday banaanbax ay kaga soo horjeedaan maamulka Somali Land.[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/05/Oday-Gobolka-Sool-C.rashiid-Diiriye-Cismaan-.mp3|titles=Oday Gobolka Sool C.rashiid Diiriye Cismaan]

Cabdirashiid Diiriye Cusmaan oo ka mid ah waxgaradka gobolka Sool ayaa sheegay in isbuucyo ka hor magaalada laascaanood looga dhawaaqay in lagu asteeyo 18 May Maalinta nadaafada gobolka Sool taasoo uu sheegay in maanta laga hirgaliyay Laascaanood iyo deegaanada hoos taga howlo nadaafadeed waxaana dadka ku nool ay Wateen gaarigacamo iyo badiilo ay ku xaaqayeen qashinka.

Cabdirashiid Diiriye waxaa uu intaasi ku daray in nadaafada ay barbar socotay banaanbax ay dadka kaga soo horjeedeen maalinta SomaliLand kuwaasoo watay boorar ay ku Qoranyihiin dooni mayno Soomaalidiid Maya SomaliLand iyo kuwa kale oo la mid ah waxaana ay ku dhawaaqayeen ereyo kuwaasi la mid ah .

Waxaa uu sidoo kale uu sheegay in banaanbaxyadaasi intii ay socdeen ay ciidamada somaliland qabqabasho iyo tacsiirad u geesteen dadkii ka qayb qaadanayay Banaanbaxyada iyo nadaafada kuwaasoo dadka ku qasbay in ay ku noqdaanguryahooda ayuu Cabdirashiid sii raaciyay hadalkiisa.[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/05/musaaharaad-iyo-nadaafad-crashiid-diiriye-cusmaan.mp3|titles=musaaharaad iyo nadaafad crashiid diiriye cusmaan]

Ugu danbayntii banaanbaxyadan iyo nadaafadan la sheegay ku soo beegmaysaa xilli maamulka somaliland ay u dabaaldegayaan maalinta ay sheegeen in ay ka go,een Soomaaliya oo ku beegan 18 May.

SBC International News Desk