Waxgaradka Jubooyinka & Gedo oo ka hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Gobolka

Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay soconayeen khilaaf iyo is qabqabsi ku aadan qaabka maamul u sameynta gobolada Galbeedka Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Juboyinka iyo Gedo ayaa maanta marki ugu horeysay waxgaradka beelaha ku dhaqan Magaalada Kismaayo oo lahadlay SBC waxa ay hoosta ka xariiqeen in xiligan aysan muhiim aheyn in maamul ka hanaqaada gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Waxa ay hadalkaasi ku nIsbeeyeen Odayaasha iyo waxgaradka Kulmay in guud ahan degmooyinka gobolka aysan xiligani ku jirin gacanta Dowlada Federaalka Soomaaliya .

Sidoo kale qaarkood Madax dhaqameedyada ayaa ka hadlay qodobka Gundhiga u noqday khilaafka hareeyay maamul u sameynta gobolka kaasi oo ahaa sida beelaha ay u kala degaan degmooyinka gobolka iyo sida awoodqeybsi loogu sameynlahaa maamulka Soo socda iyagoo sheegay in lagu dhameeyo xaalad degen oo wada hadal iyo isfahan leh.

Isku soo wada duub oo waxan la saadaalin Karin halka ay ku dambeyndoonto khilaafka is fahan waaga ka taagan madaxdhaqameedyada wada dega Gobolada galbeedka koonfurta Soomaaliya kaas oo ku aadan maamul loo wada dhanyahay oo ka hanaqaada gobolad ay ragaadiyeen dagaaladu ee Jubooyinka iyo Gedo.

C/mahad Bashiir Maxamed
SBC International Kismaayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print