Nabadoonada, Culimaaudiinka, Ganacstada, Hawenka, Maamulka, iyo ururada Bulshada ee ku dhaqan magaalada Qardho xarunta gobolka karkaar ayaa Baaq u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay qeybo ka mid ah isla gobolkaasi Karkaar.

Nuqul ka mid ah Baaqan oo dhinacyadan ay soo gaarsiiyeen Xafiska SBC International ee magaalada Qardho ayaa waxaa loogu baaqayay labada beel ee walaala ah islamarkaana xurguftu ay ku dhexmareyso Deegaano hoosyimaada degmada Rako Raaxo ee gobolka in ay si sharuud la’aan ah ku joojiyaan xabada ay isku adeegsanayaan.

Waxaa ay sheegeen dadkani in adagaal aanu wax faa iido ah la heyn khasaare iyo aafo soogaarta Bulshada maahane, islamarkaana loo baahanyahay in ay u istaagaan waxgaradka labada beel iyo kuwa reer Puntland gebi ahaantoodba sidii loo soo afjari lahaa dhacdooyinka foosha xun ee dagalaada ah.

Baaqan ayaa dadka diraya waxaa ka mid ahaa,
Duqa Degmada Qardho Maxamuud Siciid Ciise Hogaamo
Xildhibaanada golaha Deegaanka DEgmada Qardho oo kale ah
Maxamuud Cali Nuur
Xirsi Ismaaciil Kowte
Claahi Gabeyre Yuusuf
Waxaana Nabadoonada ka mid ahaa
Cali Faarax Dhagan
Maxamuud Siciid Awmuuse
Maxamuud Aadan Xangag
Cali Maxamuud Ildab
iyo Cismaan Ciise Fakad

Baaqyada laga dirayo dhacdada colaadeed ee ka jirta gobolka ayaa ah kuwo iska soo daba dhacaya waxaana labada beel ee walaalaha ah loogu baaqayaa in ay joojiyaan colaada.

Maxamuud C/laahi Faarax
SBC International Qardho.