Waxgaradka Gobolka Bari oo dhaliilay qaabka ay wasaarada waxbarashada Puntland u maareysay deeqdii waxbarasho ee laga helay Turkig

Gudoomiyaha Nabadoonada Gobolka Bari Nabadoon C/duqaadir Axmad ibraahim Xarago oo maanta Shir jaraa,id ku qabtaya Magaalada Bosaso ayaa waxa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado qaabka ay Wasaarada Waxbarashada Puntland ay umaamushay Deeqihii Waxbarasho ee laga helay Dalka Turkiga

Nabadoon Xarago ayaa sheegay in Wasaaradu aysan u Cadaalad falin ardaydii kaqaybgashay imtixaankii lagu qabtay Magaalada Garoowe isagoo sheegay in lasameeyay is dabamarin

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata  ayaa sheegay in hadii ay yihii waxgaradka Gobolka Bari ayasan u cuntameyn qaabka ay Wasaaradu umaamushay Deqahaasi wax barasho wuxuuna sheegay in Gobolka Bari oo ah Gobol baaxad wey uu san helin wax uqalma. “Puntland waxay kudhisantahay Gobolo marka waa in Gobol walba lasiiyaa xaqa uu yeesho” .

Ugu danbeyntii Nabadoon Xarago ayaa Dawlada Dhexe ugu Baaqaya in ay soo faragaliyaan Musuqmaasuqa lagu sameeyay Deeqdii laga helay dalka Turkiga

Hadalka waxagaradka Gobolka Bari ayaa imanaya xili ay jirto eedayn badan oo loo jeedinayo Wasaarada waxbarashada Puntland oo ku aadan qaabkii ay umaamushay deeqihii waxbarasho ee ay dawaladu heshay Gobolka Bari oo eedayn usoo jeediyaya wasaarada waxbarashada puntland

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso