Waxgaradka & aqoonyahanka beesha Gaaljecel iyo waliba qaybaha kale ee beeshaasi sida dhalinyarada, haweenka iyo siyaasiyiinta ayaa si weyn uga biyo diiday isla markaana gaashaanka u duruuray liis aan loo dhameyn oo iskiis uu soo xushay C/raxmaan Ugaas C/laahi oo ah wiil uu dhalay Ugaaskii Beesha Gaaljecel ee geeriyoodey, ninkaasi oo aan aheyn Ugaas rasmi ah balse booskaasi ku fadhiya Aabihiis oo Ugaas ahaa.

Qaar ka mid ah waxgaradka Beesha Gaaljecel ayaa sheegay inay si weyn u saluugsan yihiin qaabka uu u soo xulay C/raxmaan 5-ta xubnood ee beeshaasi uga mid noqonaya xubnaha cusub ee Baarlamanka Soomaaliya.

Waxgaradka qaarkood oo ka gaabsadey in magacooda la xuso ayaa sheegay inay jirto musuqmaasuq iyo wax isdabarin uu ku kacay C/raxmaan Ugaas isagoo sida lagu eedeeyey lacago ka qaatey xubnaha cusub ee uu gudbiyey oo aan aheyn kuwa haysta aqlibiyada ogaalnashaha waxgaradka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada beesha Gaaljecel.

Waxgaradku waxay sheegeen in yadoo laga duulayo oraahdii aheyd in aan lagu soo xulin Baarlamanka cusub laaluush iyo musuqmaasuq ee ay jeediyeen madaxda xafiiska qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo wakiilada kale ee beesha caalamka in laga hortago in laaluush bixin lagu noqdo xubnaha Baarlamanka cusub.

Mid ka mid ah waxgaradka Beesha Gaaljecel ayaa ku eedeeyey C/raxmaan Ugaas in uu lacag gaaraysa 200 kun oo doolar uu ka qaatey xubnaha cusub ee uu gudbiyey, isla markaana uu diiday in uu arintan kala hadlo qaybaha bulshada Gaaljecel, inkastoo arintaasi aanay jirin cid si madaxbanaan u xaqiijiyey.

SBC oo isku dayday inay arintan kala xiriirto C/raxmaan Ugaas oo si weyn loogu dhaliiliyo liiska uu gudbiyey waxaa inoo suurtagali wayday inaan ku helno khadka Telefoonka.

SBC News Desk