Wararka Naga soo gaaraya Magaaladda Qardho Ee xarunta Gobolka Kar-kaar ayaa sheegaya in halkaasi ay Gaareen Wasirro Ka Tirsan Dowladda Puntland.

Musuuliyiin Ay Kamid Yihiin Wasiirka Wasaaradda howlaha Guud iyo gadiidka, Cabdirshiid Maxamed Xirsi, Wasiiru Dowlaha Arimaha gudaha Ee Puntland Cali yuusuf jaamac, Wasiir ku xigenka wasaarada maaliyadda Axmed Yaasiin Salaad Ayaa Maanta Gaaray Magaaladda Qardho ee Xarunta Gobolka Kar-kaar.

Wasiiradaan ayaa kulamo La Leh Masuuliyiinta Dagmadda Qardho iyo Qeybaha Bulshadda Kuwaas Oo Ka Wada Hadlaya Hormarinta Magaaladda Qardho.

Wariyaha SBC Ee Halkaasi ayaa soo sheegaya in sidoo kale Wasiiradaani ay Xariga Ka Jareen Xafiis Gaar Ah Oo Bixin Donna Kaararka Aqoonsiga Ee Cadeynaya Shaqsiga Inuu yahay Reer Puntland, Kaas Oo Markii Ugu Horeysay Laga Hirgaliyay Magaaladda Qardho.

Maahan markii Ugu Horeysay Oo Masuuliyiin Heer Ceenkaan Ah Ay gaaraan magaaladda Qardho , waxaanna suurtagal ah iney usoo Gudbaan Magaaladda Boosaso Oo Ah Xarun Ganacsiyeedka Dowladda Puntland.

SBC, News

La soco Faah faahinta.