Xubno ka tirsan golaha wasirrada ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga oo ay hoggaaminayaan wasiirrada gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa waxaa qayb ka ah wasiirro iyo wasiir ku-xigeenno ka tirsan dowladda dhexe.

Mas’uuliyiinta ayaa cadaado u tagay inay ka qayb-qaataan daadaallada dib u heshiisiineed iyo dhismaha maamulka ay yeelanayaan gobolada Mudug iyo Galgaduud ee ka socda gobolka Galagaduud.

Wafdiga ayaa kulan gaar ah la qaatay guddiga farsamada maamul u samaynta gobollada dhexe, waxaana lagu wadaa inuu warbaahinta la hadlo marka uu soo idlaado kulankaasi.

Markii uu kulanka soo idlaaday kadib waxaa wariyaasha la hadlay wasiirka arimaha Gudaha somaliya iyo Xaliimo yare oo Ah Gudomiyaha Guddiga Farsamada Ee Dowladda..

Halkaan ka dhagayso shirka jaraa’id oo dhamaystiran.