Qaar ka mid ah golaha wasiirada Dowlada Puntland ayaa safari shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug, kuwaas oo kala hadli doona masuuliyiinta gobolka Mudug arimaha amniga iyo wacyi gelinta gole deegaan oo loosameeyo qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Mudug ee Puntland.

Wasiirada Puntland ayaa labadii maalin ee ugu dambeysay booqday Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo kaas oo ay ku jiraan dhaawacyo laga keenay dhanka gobolka Ceyn magaalo madaxdiisa Buuhoodle oo ay dagaalo ka dheceen .

Wariiska Cadaalada Diinta iyo Awqaafta Puntland C/khaliif Xasan Ajaayo oo la hadlay xafiiska SBC International ee Boosaaso ayaa sheegay in ay la kulmeen dhaawacyadaasi ku jira isbitalka Gaalkacyo, iyagoona u sheegay in ay bixin doonaan ka Puntland ahaan kharashaadka ku baxaya dhaawacyadooda oo u badan jajab iyo kabniin culus oo lagu sameynayo qaar ka mid ah dhaawacyadaasi iyo sidoo kale xanaaneyntooda .

Wasiirka waxa uu sidoo kale tibaaxay in maalmaha inagu soo aadan ay u ambabixi doonaan qaar ka mid ah degmooyinka gobolkaas oo ay ka sameyndoonaan wacyigelino ku aadan sameynta gole deegaan oo ah degmooyinka qaarkood iyo sidoo loola dagaalami lahaa Burcad badeeda .

Maxamed Cali Iimaan
SBC Intenational Garoowe