Xubno ka mid ah golaha wasiirada dawlada KMG Soomaaliya ayaa maanta socdaalo kala duwan waxay ku tageen goobihii ay ka baneeyeen xoogaga Shabaabka ee ka mid ah magaalada Muqdisho & walina xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada dawlada & kuwa AMISOM.

Wasiiradan ayaa ah gudi gaar ah oo loo xilsaarey qiimeynta & ka tala bixinta xaaladaha amaanka caasimada gaar ahaan degmooyinka ay ka baxeen xarakada Al-Shabaab.

Gudigan waxaa madax u ah wasiiru dawladaha Gaashaandhiga dawlada KMG Maxamuud Macalin Nuur, waxaana ka mid ah wasiiro, wasiiro kuxigeeno, iyadoo socdaalkoodu ay ku weheliyeen saraakiil ka tirsan ciidamada dawlada KMG Soomaaliya.

Goobaha ay booqdeen waxaa ka mid ahaa saldhiga degmada Wardhiigley, xarunta degmada, xaafadaha Xamar Bille & Isgoyska Cali Kamiin, garoonka kubada cagta Stadium Muqdisho, wadada Warshadaha, suuqa Bakaaraha faraagaraha Tarbuunka & degaano ka mid ah degmooyinka Hodan & Hawlwadaag..

Abaanduulaha ciidamada xooga dalka  C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-Badan) ayaa xubnaha wasiirada wuxuu uga warbixiyey xaalada goobaha ay la wareegeen ciidamada dawlada, waxaana uu sheegay in ay si tartiib tartiin ah ciidamada dawladu ay isagu fidinayaan goobaha ay ka baxeen kooxda Al-Shabaab.

Wasiiru dawladaha Gaashaandhiga Maxamuud Macalin Nuur ayaa sheegay in gudigan qiimeynta & warbixinta ay la soo kulmeen ay u gudbin doonaan xubnaha golaha wasiirada.

DAAWO SAWIRADA

Axmed Aar
SBC Muqdisho