Wasiirkii waxbarashada Puntland ee ay saameysay isku shaandheyntii dhowaan lagu sameeyay golaha wasiirada Puntland ayaa maanta xilkii si rasmi ah ugu wareejiyay wasiir ku xigeenka wasaaradaas.

Cali Xaaji Warsame ayaa munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda ee magaalada Garoowe waxa uu si rasmi ah xilka ugu wareejiyay wasiir ku xigeenka wasaarada Dr Maxamed Cali Faarax.

Waxaa inta ay munaasabadu socotay lagu soo bandhigay wax qabadka wasaarada intii uu hayay xilkeeda wasiir Cali Xaaji warsame, waxaana wasiirka oo ka hadlay goobta sheegay in uu wareejinayo wasaarad meelo badan horumar ka sameysay, loona baahan yahay in halkaas laga sii wado.

Waxa uu u mahadceliyay dhamaan shaqaalihii kala soo shaqeeyay wasaarada intii uu joogay, isagoo soo dhaweeyay xilka qadista uu ku sameeyay madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Daawo sawirrada
cali x 3 cali x 6 cali x1 cali x2 cali x5 cali x7 cali x8