Wareegtooyin maanta ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxaa lagu magacaabay Wasiir cusub halka laga wareejiyay wasiirkale jagadii uu hayay.

Wareegtada ugu horeysa ee ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa xilkii uu hayay loogaga wareejiyay wasiirkii warfaafinta Puntland Eng Maxamuud Ceydiid Dirir, wasaana loo wareejiyay wasiirka qorsheynta iyo arimaha federaalka Soomaaliya.

Xilkii laga wareejiyay wasiirkan ee ahaa Wasaarada Warfaafinta ayaa waxaa loo magacaabay Axmed Macalin Jaamac oo ah abwaan iyo qoraa kuna qoray buugaag luqado kala duwan.

Xilka lagu wareejiyay wasiirkii warfaafinta Eng Dirir ayaa horey waxaa u hayay wasiirkii xilka iska casilay kuna biiray dowlada federaalka Soomaaliya Daa’uud Maxamed Cumar.

SBC International Garoowe