Mid ka mid ahaa xubnaha golaha wasiirada dawlada KMG Soomaaliya ayaa saaka xilkiisii wasiirnimo cadceedo u soo bixin ka dib markii xilkiisii lagaga qaaday wareegto ka soo baxdey xafiiska madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirkii beeraha xaanada xoolaha, dhirta & daaqa Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa ujeedada lagaga qaaday waxaa lagu sheegay wareegtada uu soo saarey madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu ku macneeyey in wasiirku uu gudan waayey xilkiisii isla markana xilkaasi laga xayuubiyey.

Laakiin diblumaasiyiinta u dhuundaloola arimaha siyaasada Soomaaliya ayaa ku macneeyey talaabada xilka looga qaaday wasiirka inay tahay iyadoo loo aaneynayo qoraalkii bishii hore uu soo saarey ee uu ku buriyey qoraal hore oo uu soo saarey Madaxweynuhu oo ku aadanaa aqoonsiga maamulka Khaatumo State ee dhawaan lagu dhisay shirkii ka dhacay degmada Taleex.

Wasiirka xilka laga qaaday oo xiligaasi ahaa kusimaha Ra’isalwasaaraha ayaa qoraalka uu soo saarey bishii hore wuxuu ku muujiyey sida Madaxweynuhu ugu fududaay aqoonsiga maamulka Khaatumo, isla markaana uusan u bixin karin aqoonsigaasi, arintaasi oo la aaminsan yahay inay udug dhexaad utahay sababaha xilka looga qaaday.

Qoraalka wareegtada Madaxweynuhu xilka kaga qaaday wasiirka hoos ka aqri.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Beeraha,Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa.

Wareegtadan oo Lambarkeedu ahaa 086 kuna taariikheysneyd 28/03/2012 cinwaankeeduna ahaa Xil Ka Qaadis Wasiir ayaa lagu yiri:-

Markuu arkay:- Qodobka 44aad,xubintiisa 3aad ee Axdiga kumeel gaarka ah.

Markuu arkay:- Qodobka 2aad sharci lam.14 ee 3di juun 1962kii iyo wax ka baddalkii ka danbeeyey ee  Nidaamka Dowladda (Ordinamento del Governo).

Markuu tixgeliyey:- Soo jeedintii Ra’isulwasaaraha, Sumad XRW/412/03/2012 kuna taariikheysan 20ka Maarso 2012ka oo ku saabsan xil gudasho la’aanta Wasiirka Wasaaradda Beeraha,Xannaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa

Asagoo Aqoonsaday:- in ay waajib tahay in shaqada Qaran loo guto si hufnaan,Amaano iyo karti ku dheehanyihiin.

Wuxuu Soo Saarayaa Xeerkan:-

Qodobka 1aad

Waxaa xilkii Wasiirnimo ee uu hayey laga qaaday: Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Beeraha,Xannaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa.

Qodobka Labaad

Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa isla marka uu saxiixo Madaxweynaha, waxaana lagu soo saarayaa faafinta Rasmiga ah ee Dowladda.

Halkan ka aqri qoraalkii wasiirku ku buriyey aqoonsigii Sheekh Shariif ee ku aadanaa aqoonsiga Khaatumo State

Axmed Aar
SBC International Muqdisho
ahmedaar@live.com