Cairo:-Ra’iisal wasaaraha Masar Cisaam Sharaf ayaa aqbalay iscasilaad wasiirkiisa arrimaha dibadda Maxed Al-curaabi sida uu sheegay televison-ka qaranka dalka Masar.

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii shaaca laga qaaday magacaabista labo kuxigeen oo cusub jagada ra’iisal wasaaraha halkii ay ka ahayd markii hore hal kuxigeen.

Labada kuxigeen ayaa kala ah professor Xaasim Al-babalawi oo ka shaqeenayey xilligan la taliyaha sunduuqaha lacagta carabta ee Abu Dhabi iyo professor Cali Al-silmi oo ah ra’iisal wasaare kuxigeen arrimaha horumarinta siyaasadda.

Ra’iisal wasaare Kuxigeenkii hore Yaxya Al-jamaal ayaa maalmo ka hor u gudbiyey iscasilaadiisa ra’iisal wasaare Sharaf,  kadib markii eedeen loo soo jeediyey.

Ra’iisal wasaaraha dalka Masar Casaam Sharaf ayaa ku howlan wadatashiyadii ugu dambeeyey oo ku aadan ku dhawaaqista la filayo maanta xubnaha kamid noqonaya golahiisa wasiirada cusub.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Masar ayaa kala kulmay shacabka Masar diidmo ku aadan qabashada xilka wasaaradda arrimaha dibadda maadaama uu xiriir dhow la lahaa madaxweynhii hore ee dalka Masar Xusni Al-mubaarak.

Mr Al-curaabi oo horey u ahaa safiirka Masar ee dalka Jarmalka ayaa dadka ka soo horjeeda siyaadiisa ku eedeenayaan in uu si toos ah u maamulayey daaweenta Xusni Mubaarak ee dalka Jarmalka.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring