Waxaa looga dhawaaqay Xarunta Jaamacada Carabta ee Magaalada Qaahira Masuulkii badali lahaa xooghayihii Hore ee Jaamacada Carabta Camri Muusaa,waxaana loo magacaabay Wasiirkii arimaha Dibada Masar Nabiil Al carabi.

Waxaa ay Dowlada Masar si kadis ah ay dib ula laabatay Murashaxeedii Hore ee Jagada xooghayaha Jaamacada Carabta Diktoor Mustafa Al fuqi,waxaana ay badalkiisa keensatay Nabiil Al carabi.

Dib ula laabashada Masar musharaxeedii hore ayaa yimi kadib markii ay Dowlada Qadar ay diidmo ka muujisay Musharaxaasi,waxaana markii dambe ay Labada Dowladood isku waafaqeen in Nabiil Al carabi uu noqdo Ninkii badali lahaa Camri Muusaa.

Ururka Xamaas ayaa soo dhoweeyay Al carabi in loo magacaabo xooghayaha guud ee Jaamacada Carabta,iyadoona Dowlada Qadar ay murashaxeedii ay dib ula laabatay markii ay Ogaatay in Masar ay Al carabi soo sharaxday.

Nabiil Carabi waa 76 sano jir,mudo dheer kusoo jiray arimaha Diblomaasiyada,waxaana uu wax kusoo bartay Dalal Maraykanku uu kamid yahay.waxaana sidoo kale uu kamid yahay dadkii ugu horeeyay ee bilaabay kacdoonkii lagu riday Nidaamkii madaxweyne Xusni Mubaarak.

Xuseen Xuska
SBC International Monitoring.