wasiirka warfaafinta PL NEWWasiirka Warfaafinta Dowlada Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo Shir Jaraa’id ku qabtay maanta Magaalada Garoowe xarunta Puntland ayaa eedaymo kul kulul  u jeediyay madaxwaynihii hore ee Puntland Gen Maxamuud Muuse Xirsi Cade.

Waxa uu wasiirku ku eedeeyay madaxwaynihii hore  in uu yahay nin  dhibaato ka abuuraya deeganada Puntland ka dib marki uu Gen Cade jeediyay hadalo ku aadan in xiligan aanay suurto gal aheyn nidaamka xisbiyada badan.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa shir saxaafadeedkiisa waxa uu sidoo kale kaga dhawaajiyay hadalo ay Caro ka muuqdeen, isagoona aqriyay qodobo ku socoda Madaxweyen Cadde,

”Qalalaasaha siyaasadeed iyo Nabad galyo xumo ee Gen Cade Muuse uu kawada Puntland kuwaas oo isugu jira abaabulka xasarad,sidookale Cade Muuse wuxuu masuul ka yahay gadood ciidan iyo jidgooyo dhowaan ka dhacay meelo ka mida ah gobolada Bari iyo Karkaar,isagoona haatandoonaya inuu abaabulo kuwo kale” Ayuu yiri wasiir Maxamuud Ceydiid Dirir.

“Waad la wada socotaan Cade Muuse xilibaa jirtay oo uu madaxweyne ka ahaa puntland, Dowr siyaasadeed buu lahaa markaas, Xisbi kama tirsana hadeer, madaxweynana ma aha, oday dhaqameedna ma aha, waxad aragtan isagoo ka hadlaya xaalada Puntland lakin awoodaa waxaa iskale cidii markaa xilheysa” wasiirku waxa uu hadaladaasi u soo qaatay isagoo isku dayaya in uu cadeyn ugaga dhigo in Madaxweynuhu Fadqalado colaadeed ka wado dalka, waana sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu ku eedeeyay Arimo badan isagoo ku tilmaamay in uu qaaday Masuuliyadaha, In ay aas aasmaan Alshabaabka Buuraha Galgala, in laqabsado gobolo ka tirsan Puntland Sida gobolka Sool, iyo in uu ka mid yahay kooxo ku mashquulsan majaxaabinta hanaanka xisbiyada badan ee Puntalnd, iyo eedeymo kale oo tira badan.

Ugu dambeyntii hadlaada ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Puntland waxa uu ku soo afmeeray digniin uu sheegay in ay xukuumadu u direyso Gen Cade Muuse Xirsi taa soo ku aadaneyd in hadii talaabooyinka uu qaadayo sii socdaan waxyaabaha ka dhasha uu isago masuuliyadeeda qaadayo.

Waxaa xusid mudan in mudooyinkii ugu dambeeyay Magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar oo uu ku sugan yahaya madaxweynihii hore Puntland Gen Cade Muuse ay ka socdeen Kulamo iyo shirar lagu taageerayo hadalo dhowaan saxaafada uu siiyay Gen Cade  kuwaas oo ku wajahnaa in sanadka soo socda ee 2014 aanay suurto gal aheyn doorasho dimuqraadiyeadeed balse inta laga gaarayo madaxweyne lagu doorto Nidaamkii hore ee 66-ka xildhibaan.

SBC International News Desk