Wasiirka warfaafinta isgaarsiinyta ,hidaha iyo dhaqanak Puntland Axmed Cali Askar ayaa maanta shir jaraa’id ku qabatay xarunta wasaarada warfaafinta dowlada Puntland ee magaalada Garoowe, shirkaani jaraa’id ee wasirka warfaafinta Puntland ayaa ahaa mid ku wajahnaa xaaladaha ka taagan deegaanka Buuhoodle ee Xarunta Gobalkaasi Cayn sidoo  kala Baaq u diray beesha caalamka kaasi oo ku wajahnaa inay il gaar ah ku fiirinyaan weeradada ay ka fulinayso Somaliland deegaano hoostaga gobalkaasi cayn.

Axmed Cali Askar wasiirka warfaafinta Puntland ayaa shirkiisa jaraa’d ku soo qaatay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ay Somaliland ka gaysatay deegaanada Sool Iyo cayn oo uu sheegay inay ka gaysteen tacadiyo kala gadisan una soo qaatay dhacdooyinkaasi mid mid.

Puntland ayaa sidoo kale usoo jeedisay maamulak Somaliland inay inay joojiso dagaalda ayna imaansadaan dhulkooda dhanka kalana ugu baaqday ururur Gobaleedyada ,kan qaarada Africa iyo Guud ahaanab Beesha caalamka inay fiiriyaan howlaha Dagaal ee ay Somaliland kawado deegaano hoostaga Puntland sidoo kala xusay in Puntladn ay gudanayso waajib kasta oo uu farayo dastuurka Puntland.

Wasiirka warfaafinta Puntland mar wax laga waydiiyay  sida ay u arkaanmaamulka cusub ee khaatumo iyo sida ay u arkaan Puntland ahaan iyo waliba doorka Puntland ay ku leedahay dagaalada ka dhacaya Gobalkaasi cayn waxaa uu ku jawaabay in beel kasta oo dagan deegaanada Puntladn ay tashan karto balse dhulkaasi uu ka mid yahay deegaanada Puntland.

Maalmo uun ka hor ayay ahayd markii uu dagaal xoogani ku dhexmaray agagaarka magaalo madaxda Gobalkaasi cay nee Buuhoodle ciidamda maamulka Somaliland iyo dadka shcabka ah ee  deegaankaasi dagankaasi oo sababay khasaare baahsan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac  iyadoona Puntladn ay dhowr jeer oo h ore u cambaaraysay maamula Somaliland uguna baaqday inay ilaalilyaan wada noolaanshaha iyo daris wanaaga ayna halkoodii ka siisocdaan dagaalada iyo fari galinada maamulak Somaliland lamina yaqaan tallaabada xigat e ay Puntlandni qaadi doonto.

Yusuf Maxamed Maxamuud {Yusuf Yare}
SBC International Garoowe