Boosaaso-Wasiirka Dhalinyarada Sportska shaqada & Shaqaalaha ee Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle  (Indho-Guran) ayaa ka warbixiyay Safaro kala duwan oo uu ku soo maray Dalalka Malaysia Jabuuti & Ethiopia.

Wasiirka oo manta ay garoonka Bandarqaasim ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka ayaa waxaa uu halkaasi kula hadlay warfidiyeenada isaga oo sheegay in uu tagay Dalalkaas kor ku xusan si uu ugala soo hadlo iskaashi dhinaca Shaqo abuurista ah oo ay u sameeyaan Dhalinta Puntland. 

Wasiir C/wali ayaa xusay Kulamadii uu masuuliyiinta Dalalkaas la qaatay ay dhamaantood ku soo dhamaadeen jawi isfagarad isaga oo sheegay in dhawaan ay Deegaanada Puntland Iman Doonan Wafuud dalalkaas ka socota gaar ahaana Dalka Jabuuti kuwaasi oo uu sheegay inay kulamo kala duwan la qaadan Doonan Masuuliyinta Sare ee puntland . 

Safarka wasiirka uu mudooyinkan ku marayay Wadamada Malaysia Jabuuti & Ethiopia ayaa waxaa uu ahaa mid la xiriira Horumarinta Arimaha DHalinyarada & Sportska isaga oo xusay inay sidoo kale wasaaradooda & Maamulkaba ay wadaan Hirgelinta Garoomo kubadeed oo loogu talagalay in xitaa lagu martiqaado Dalalka Gobolka

Dhageyso Wasiirka oo safarkiisa ka hadlaya :[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/04/wasiir-cod.mp3|titles=wasiir cod]

Masuuliyinta Halkaasi wasiirka ku soo dhaweysay waxaa ka mid ahaa C/shakuur Mire aadan,Gudoomiyaha Gobolka Bari Sheekh C/xaafid Cali yuusuf, Duqa Degmada Carmo Cawad Xuseen Cali,

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha C/qaadir Maxamed Ismaaciil Jeeni Gaab & Masuuliyin Kale. 

SBC International Boosaaso