Magaalada Garoowe Caasimadda Puntland waxa maanta ka dhacay xaflado ay xilalka kula kala wareegen wasiirrada cusub ee dhowan ku yimid isku shaandheynta iyo wasiiradii hore xilka laga qaaday.

Wasiirrada cusub ee Maaliyada, Amniga iyo weliba Beeraha ayaa xilalka si rasmi ah ula wareegay, waxaana loo qabtay xaflado kala dhacay xarumaha ay wasaaradahaasi ku kala leeyihiin magaalada Garoowe,

Wasiirkii hore ee Wasaradda maaliyada Dowladda Puntland Shire Xaaji faarax ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay wasiirka cusub ee wasaaradaas loo soo magacabay C/laashi Sheekh Axmed.

Munaasabada xil wareejineed oo ka dhacday xarunta wasaaradaas ay ku leedahay Garoowe ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay wasiirkii hore ee Wasaaradaas Shire Xaaji Faarax, waxaana uu sheegay in intii uu wasaaradda hayay ay dhinacyo badan horumar ka sameysay, isagoo soo dhaweeyay wasiirka cusub ee loo magacaabay wasaarada, waxaana uu amaanay xubnihii kala soo shaqeeyay wasaaradda, .

Wasiirka cusub ee wasaarada maaliyada Puntland Loo soo magacabay C/laahi Sheekh Axmed ayaa dhankiisa bogaadiyay wasiirkii hore ee xilka ku wareejiyay maanta, waxaana uu ugu baaqay ganacsatada iyo laamaha kale ee dowladda in ay ula shaqeeyaan si hufan,

Dhageyso warbixintan oo ay Garowe ku diyaarisay wariye Bishaaro C/casiis Jaamac.