Wafdigaan uu hogaamiyo wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah ee dowlada Biritan Endru Michel ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe .

Wafdiga ayaa markii ay ka soo dageen Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa waxaa ay Xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe kulan kuwada yeesheen  madaaxweyne ku xigaynka Dowlada Puntland iyo xibno ka tirsan golaha wasiirada.

Kulamada ka dib ayaa waxaa saxaafada si wada jir ah u la hadlay madaxweyne ku xigaynka Puntlad Cabdi Samad Cali Shire iyo Mechel waxaana uu Gen, Cabdi Samad Cali Shire ka war sheegay waxyaabihii ay ka Wada hadleen wafdiga Britain isagoona xusay inay kawada hadleen howlaha horumarineed ee ay dowlada Britain kawado deegaanda Puntland iyo sidii loo sii hagaajin lahaa xiriirka labada dal iyo ladagaalanka Burcadbadeeda iyo shirka dhwaanta lagu wado in lagu qabto magaalada London..

Endru Michel  ayaa dhan kiisa ka hadlay dareenkii maanta iyo waxyaabaha ay ka wada  hadleen Puntland iyo Britain.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan noqdo maanta  wasiirkii ugu horreeyay ee ka socda dowlada Ingiriiska  yimaadana deegaanada Puntland ,waxaan la qaatay wada hadal aad u wanaagsan Madaxwayne ku xigeenka dowlada Puntland  oo aan kawada hadalnay mashaariicda ay Dowlada Britain Ka fulinayso Degaanada Puntland iyo shirka wada tashiga Soomaalida ee lagu qaban doono London , Waxaana rajaynayaa hadda inaan tagno suuqa kalluunka oo ay maalgalisay dowlada Britain waxaana Rajaynayaa inay noqoto Booqashadaani mid Horseeda Booqashooyin kale waxaana kala hadalnay Dowlada Puntland sidii loola dagaalami lahaa Burcadbadeeda iyo waxkasta oo amniga wax u dhimi kara Dhammaana waan isku afgaranay”.

Wafdiga maanta soo gaaray magaalada Garoowe ayaa kormeer ku soo maray xarumaha ay ka mid yihiin suuqa lagu ii biyo kaluunka oo ay biritin gacan ka gaysatay dhismihiisa isbitaalka guud sldhiga booliska xabsiga iyo goobo kale.

Imaaatinka Garoowe  wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah ee dowlada Britain ayaa noqonaya Wasiirkii ugu horreeyay ee ka socda dowladaha midowga  Yurub oo yimaada Deegaanada Puntland waxuuna Ku soo beegmayaa xilli dhawaanta lagu wado in lagu qabto magaalada London shir caalami ah oo Laysugu keenayo qaybaha kala gadisan ee soomaalida Puntland ay qayb ka tahay.

DAAWO SAWIRADA




C/casiis ibraahim Axmed{ OK}
SBC International Garoowe