Boosaaso- Xaflada Dhagaxdhiga Dhismaha Bank-ga Iftiin ayaa waxaa ay ka dhacday isla Xarunta Bangiga laga Dhisayo oo ku taala Xaafada Laanta Hawada ee Magaalada Boosaaso waxaana ka soo qeybgalay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo uu ugu horeeyo Wasiirka Ganacsiga Puntland Xasan Faarax Jaamac Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim Ganacsato Cuqaal & Qeybaha Bulshada.

Ugu horeyn goobta Dhagax dhiga waxaa ka hadlay Masuulka Shirkada Dhismaha ee Mubaarak Constraction oo ka warbixiyay Dhismaha Bank Iftin & Sida uu noqon doono isaga oo xusay in dhismahan ay ka qeybgalayaan guud ahaan Shaqaalaha Mubaarak oo iskugu jira Ajanabi & Soomaali intaba

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim oo Goob jog ka ahaa Goobta Dhismaha ayaa ku tilmaamay Dhismahan Horumar oo ay sameynayso Shirkada Iftin Bank islamarkaasina uu mudan yahay in lagu daydo oo guryo Bilicda Magaalada Qurxinaya La sameyto.

Goobta Dhismaha laga dhisayo waxaa si rasmi ah u dhagax dhigay Wasiirka Ganacsiga Puntland oo u rajeeyay indhismahani uu noqodo Mid najaxa oo waqtiga ugu haboon ku dhamaada.

Maamulka Bangiga Iftin Maxamed Jaamac Geenyo ayaa waxaa uu Munaasabada Dhagaxdhiga Ka sheegay in dhismahan uu noqon doono mid ay sii wado Iftiin bank isaga oo si isku mid ah looga hirgelin doono Gobolada Kale ee Dalka.

Dhismaha uu dhisanayo Iftin Bank ayaa waxaa uu noqon doona Mid Bilicsan sida Ka muuqata Muuqalka ay halkaasi ku soo bandhigeen Maamulka Iftin & Shirkada Dhismaha ee Mubaarak waxaana uu ka koobnaan doonaa Dabaqyo Farabadan

Iftiin Bank waxaa ay ka mid tahay Bangiyada & Xawaaladaha Ugu magaca weyn Soomaaliya & Caalamka Intiisa kale waxaana ay Xarumo kala duwan ku leedahay Dunida Dacaladeeda iyada oo ku shaqeysa Hab online ah

Goobta Iminka  laga Dhisayo Dhismaha Iftiin Bank ayaa ah Faras Magaalaha Magaalada Boosaaso waxaana Dhismahan Bilicdasan ka qeybqaadan Doonaa In Adeegyada Bulshada uu u qabanyo Bangiga uu sii balaariyo islamarkaasina la sii horumariyo

Axmed Maxamuud Axmed
SBC International Boosaaso