Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdixakiin Maxamuud X. Fiqi oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdishakuur Sh. Xasan Faarax ayaa shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyagoo ka warbixiyay horumarka laga gaaray howlgaladii ugu dambeeyey ee ciidamada Qalabka sida ee  Soomaaliyeed ka wadeen aagaga hore ee degmooyinka Hodon iyo Howl-wadaag.Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Fiqi ayaa warbaahinta u qaxiijiyay in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Nabad Illaalinta ee AMISOM ay horumar ka sameeyeen dagaalo ay la galeen kooxda nabad diidka ah ee Al shabaab ayna uga saareen dhufeysyo fara badan oo ay in muddo ahba gabaad ka dhiganayeen dadka shacabka ahna ka dhibaateyn jireen.

 “Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo kuwa Nabad illaalinta ee AMISOM waxay shalay iyo saaka howlgalo adag ka sameeyeen goobo ka tirsan magaalada Muqdisho oo ay dagaal kula galeen caddowga Ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta Al shabaab waxayna guulo la taaban karo ka sameeyeen aagagaas, saaka aroortii horena waxay si rasmi ah gacanta ugu dhigeen Wadada Wadnaha ayna sii socon doonaan” ayuu yiri isagoo xusay in Xukuumada Federaalku ay ahmiyadda koowaad siisay dhisamaha iyo xoojinta Ciidamada si dalka uga saaraan kooxahaasi Nabada iyo dowladnimada diidan.

 Sidoo kale, wuxuu sheegay in howlgaladani ay sii socon doonaan illaa laga xoreynayo kooxahaasi Nabadiidka ah dhamaan gobolada dalka Soomaaliyeed.

 Sidoo kale, wuxuu baaq u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaana ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha isagoo u balan qaaday in la dhowri doono hantidooda “Waxaan u balan qaadeynaa ganacsatada Suuqa Bakaaraha inaan illaalin doono hantidooda iyo ganacsigooda, laakiin ganacsatadana waxaan ka dalbaneynaa inay la shaqeeyaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu mar kale yiri Wasiirka oo ganacsatada ka codsaday in aysan u ogolaanin qolyaha Nabadiidka in aysan guryahooda aaney gabaad ka dhigan ganacsataduna ay ka digtoonaadaan in guryahooda inta lagu gambado waxyeelo loo geysto Askarta Dowladda.Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo  Amniga Qaranka Mudane C/shakuur Sh. Xasan Faarax ayaa u sheegay warbaahinta in Xukuumadu ay diyaarisay ciidamo gaar ah oo Boliis ah oo illaaliya Hantida iyo Xasiloonida ganacsiga Suuqa Bakaaraha “Ganacsatadu waa inay ciidamada la sugaan Amniga gacana ka geystaan sidii looga saari lahaa Suuqa kooxahaas Nabadiidka ah ee Al shabaab” ayuu yiri Wasiirka oo tilmaamay inay waajib diini ah tahay in la iska dhiciyo dalkana laga saaro kooxahaasi khawaarijta Shabaab. 

“Shabaab waa jabeen waana sii daba geli doonaa tan iyo inta aan ka xoreyneyno guud ahaan dalka, shacabka Soomaaliyeed waxaan si gaar ah uga codsanayaa in ay farta ku fiiqaan qof kasta oo dooneysa in ay ku dhex gambato oo ay Bambo ka dhex tuurto, shacabku waa inuu farta ku fiiqo cidii ay dareemaan inay dhibaato wado Booliska iyo Askarta kale ee dowladda ha ku wargeliyaan si loo qabto” ayuu yiri ugu dambeyntiina Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/shakuur.

Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mobile: +252-615536608
                  +252-6-2536608
Mogadishu, Somalia