Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa saaka kormeer shaqo ku tegay xarunta Villa Baydhabo iyo Wasaaradii Gaashaandhigga, waxaana safarkiisa ku wehlinayay Qandaraaslayaal Ajnabi ah kuwaasoo iyaguna u kuurgali karo sida dib u dhis loogu sameyn karo Dhismihii Wasaaradda oo aan muddo 20 sano ah wax dayactir ah helin.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa kale oo kormeerkiisa ku wehliyay Taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Nabad illaalinta ee AMISOM, waxayna aad ugu kuurgaleen habka ugu macquulsan ee dib loogu dhisi karo qeybihii Wasaaraddu ay ka koobneyd iyagoo gebi ahaanba ku soo wareegay Wasaaradda gudaheeda.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa warbaahinta u sheegay in muhiimada ugu weyn ee ay maanta u kormeereen dhismaha Wasaaradda ay tahay inay arkaan baaxada burburka iyo sidii dib loogu dhisi lahaa, wuxuuna tilmaamay in saraakiisha kormeerkiisa ku wehlinaysa ay yihiin Qandaraaslayaal ka socda dalal Dibadda ah oo ay maalgelin doonaan dowladdo saaxiib la ah dowladda Soomaaliyeed, kuwaasoo bixinaya kharashka ku baxaya dib u dhiska Wasaaradda.

“Waad la socotaan Wasaaradda Gaashaandhigga waa halbowlaha Wasaaraddaha dowladda, waxayna u taagan tahay jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed, oo la’aanteed waxaaba la oran karaa Qaran ma dhisnaan karo, sidaas owgeed, waxaanu siinay muhiimada koowaad, waxaana rajeyneynaa in muddo 6 bilood gudahood ah dib loogu dhiso” ayuu yiri Mudane Xuseen Carab Ciise.

DAAWO