Wasiirka Gaashaandhigga dalka Yugandha Dr. Crispus Kiyonga ayaa maanta socdaal ku yimid magaalada Muqdisho iyadoo si heer sare ahna loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaraddaha Aadan-cadde Int. Airport.

Wasiirka iyo wefdigiisa ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise, waxayna kormeer ku tageen xerada cusub ee Barakacayaasha ee Rajo, halkaasoo ay ku jiraan kumanaan qoysas ah oo ka soo barakacay gobolada dalka oo ay ka jiraan abaaro iyo macluul aad u daran.

Wasiirka Gaashaandhigga Yugandha Mr. Kiyonga ayaa ayaa la hadlay dad u badan haween iyo caruur kuwaasoo hortubnaa xerada Rajo isagoo sheegay in dowladda iyo shacabka Yugandha ay la qeybsanayaan xanuunka gaajada iyo macluusha ee geeska Afrika, gaar ahaana mida ku habsatay Soomaaliya isagoo Alle uga baryay shacabka Soomaaliyeed inuu ka qaado abaarta.

Labada Wasiir ayaa u sii gudbay Xerada cusub ee Jaziira ee uu dhowaan dhagax dhigay madaxweynaha halkaasoo ay ku jiraan boqolaal dhalinyaro ah oo loo tababarayo Askarinimo, waxaana halkaasi kula hadlay labada Wasiir iyo Taliyaha ciidanka xooga dalka, iyagoo ugu dambeyntiina kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xerada.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa loo soo galbiyay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya iyadoo uu h alkaasina ku qaabilay madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed, waxayna wadaqaateen wadahadal ay albaabadu u xirnaayeen.

Ugu dambeyntiina Wasiirada Gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Yugandha ayaa si wadajir ah xarunta madaxtooyada shir jaraa’id ugu qabtay, iyadoo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise oo erayo soo dhoweyn iyo mahadcelin ah u sameeyey Wasiirka Gaashaandhigga Yugandha.

Wasiirka Gaashaandhigga Yugandha Hon. Crispus Kiyonga oo isna warbaahinta uga waramay socdaalkiisa ayaa u sheegay in muhiimad gaar ah ay u tahay dowladdiisa Yugandha inuu soo booqdo magaalada Muqdisho oo ay ka joogaan Kumanaan ciidamo Nabad illaalin ah, wuxuuna ka mahadceliyay soo dhoweynta heerka sareysa ee dowladda Federaalku u sameysay.
 

DHAMAAD –
Garaad Salaad Xirsi
Agaasimaha warfaafinta
xafiiska Ra’isalwasaaraha