Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga dowlada Federaalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa beeniyay in uu ka dhoofay magaalada Kismaayo xili uu ka socday dagaal xoogan maanta.

Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta ayaa intaasi ku daray in aanay ka bixin wafdigiisa iyo isaga magaalada Kismaayo una joogaan howlo ay dowlada u soo igmatay

“wararka sheegaya in aan ka tagay Kismaayo waa kutiri kuteen, waxba kama jiraan aniga iyo wafdigena waan joognaa magaalada” sidaasi waxaa yiri wasiirka difaaca DFS.

Waxaa kale oo uu beeniyay wasiirka Eedeyn kaga timid dhanka Maamulka Jubaland gaar ahaan Afhayeenka Maamulka Kismaayo C/naasir Seeraar taas oo aheyd in uu ka dambeeyo abaabulka kooxo ay maanta kaga taagroonaadeen ciidanka Jubaland gudaha Magaalada Kismaayo.

Waxaa kale oo uu wasiir Fiqi sheegay in ay ka dhexwadaan dhinacyada dagaalka dhexmaray magaalada Kismaayo wan waan iyo joojinta xabadda ay isku adeegsanayaan.

“waxaan ugu baaqeynaa anaga oo kaashaneyna odayaal iyo waxgaradka gobolka in labada dhinac ee dagaalamaya si deg deg ah u joojiyaan, lagana shaqeeyo xasilinta amaanka” sidaasi waxaa markale yiyi wasiirka Difaaca Soomaaliya.

SBC International Kismaayo.