Wasiirka Difaaca Dalka Jabuuti oo Maanta booqasho ku tagay Magaalada Baladweyne

Magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan maanta waxaa gaaray wafdi balaaran oo ka socday dowlada Dalkaasi Jabiiti islamarkaana uu horkacayay Wasiirka gaashaandhiga Dalka Jabuuti

Wafdiga ayaa Magaalada Baladweyne gaaray maanta xili barqonimadii halkaas oo siweyn loogu soo dhweeyay waxaana dadkii soo dhaweeyay ka mid ahaa masuuliyiinta gobolka iyo saraakiisha ciidamada Baladweyne kusugan.

Waxaa wafdiga uu horkacayo Wasiir C/kariim Maxamed booqashooyin kormeer ah ku tagay xeryaha ciidanka dalka Jabuuti ay ku leeyihin magaalada iyo weliba kuwa soomaalida, isagoo sidoo kale booqday hadalna u jeediyay xero ciidan lootababaryo dowlada Soomaaliya ay ku jireen .

Magaalada Baladweyne waxaa dowlada Dalkaasi Jabuuti ka jooga ciidan tiro  badan oo mudooyinkii ugu dambeeyay halkaasi ku soo qulqulayay waxayna ka mid yihiin howlgalka ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya kaas oo loogu magacdaray Amisom.

SBC International Baladweyne.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII